Calakud. W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

0
Sunday May 29, 2022 - 15:06:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calakud. W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

    Calakudu waxay kamid tahay Boqortooyada xayawaanka, bahda lafdhabarleyda ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Calakudu waxay kamid tahay Boqortooyada xayawaanka, bahda lafdhabarleyda ah,

gaar ahaan bahweynta Naasleyda. Qoyska ballaadhan ee Laba suulleyda. Sidoo kale waxay kamid tahay naasleyda saloolata dhirta. Asal ahaan waxaa laga helaa qaaradda afrika gaar ahaa dalalka ka hooseeya saxarraha. Dhulka soomaalida waxa aad looga helaa dhulka buuralaydda ah, gaar ahaan Silsilada xidhiidhsan ee golis taas oo kutaala deegaanada Soomaalilaan. Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaannaa (klipspringer), Afka Soomaaligana (Calakud) waxaa lagu tiriyaa inay tahay nooc kamid ah deerada, waxaana la isku khaldaa iyada iyo Naasleyda kale ee looyiqaano Bayracada (Beira Antelope). Sidka calakudu waa 6 bilood, waxayna leedahay 60 hiddo-side.



Calakudu lab iyo mid dheddig waxaa lagu kala garta labada gees ee uu leeyahay ka lab, waxayna  u nooshahay qoys-qoys ama laba-laba, marmarka qaarkoodna koox koox. Naasleydani waxay quudataa cawska iyo caleemaha dhirta gaar ahaan xiliyada qaboobaha ah, badanaa biyaha ma cabto oo waxay kala baxda biyaha dhirta ay quudato. Calakudu waxa aad loogaa helaa dhulalka sare ee leh buuraha iyo ama dhagaxaanta salaxyada ah. Calakudu waxay kamid tahay naasleyda hayaanta ama guurguurta iyadoo u hayaanta kolba halkii leh baad iyo biyo (Migration Animals). Ugu danbayntii tiro rasmi ah lagama hayo calakuda aduunka kunool waxaana ururka caalamiga ah ee IUN uu ku daray xayawaannada laga baqaaayo in ay dabar go'aan.


Mayeedhaan Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...