Booliska Somaliland Waxa Looga Digayaa Inuu Ku Milmo Siyaasada.

0
Sunday May 29, 2022 - 10:48:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland Waxa Looga Digayaa Inuu Ku Milmo Siyaasada.

    W/Q: naaleeye nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: naaleeye nuur

Shacabka Somaliland, waxay karaamo iyo ixtiraam u hayaan booliskooda.  Laakiin waa markee?  Waa marka boolisku siyaasada dhex dhexaad ka noqdo oo masaafo is le’eg u jirsado mucaarad iyo muxaafidba.

 

Haddii xukuumada Kulmiye iyo taageerayaashoodu ay wakhti kasta aflagaadeynayaan, ka been sheegayaan oo jaaifeynayaan madaxda xisbiyada mucaaradka, booliskuna aanu dan iyo muraad  ka lahayn, laakiin marka madaxda xisbiyada mucaaradku ama xubnaha kale ee xisbiyada mucaaradku ay dowlada dhaliilaan,  haddii boolisku qalabka soo gurto oo xabsiyadu buuxsamaan, taasi waxay keeneysaa in aad lumisaan karaamada ummadu idiin heyso.

 

Waxa jira,  xubno badan oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo xabsiyada loo taxaabay. Waxa taas ka sii daran, in gudoomiyaha xisbiga Wadani  mudane Xirsi Cali X. Xasan looga yeedhay CID da, kadib markii uu shacabka ku boorriyey inay iska diidaan wixii aan sharciga waafaqsaneyn.

 

Waxa kale oo la ogyahay, in xildhibaano xasaanad leh loogu dhex hanjebey saldhigyada, iyadoo loo dakaneynayo inay mucaaradka ka tirsanyiin.

Taas bedelkeeda, bal dib u booqda youtubeyada. Mudane Buuni, afhayeenka Kulmiye, muxuu kula hadlaa madaxda xisbiyada mucaaradka?

Maalin dhaweyd, waxaan wada arkeyney isagoo leh,  madaxda mucaaradka korriimadoodii hore iyo guryaha ay ku soo koreen ayaa xumaa.  Boolisku ma ka jawaabey oo Buuni wax ma ka weydiiyey arrintaas? Illeyn in qof cirdigiisa la caayo waa dembiye.

 

Dib u eega youtubeka, waxaa Somaliland oo dhan daawaneysay ninka la yidhaahdo  C/raxman Cisman Caalin oo afka ka xumbeynaya oo wax kasta oo afkiisa ku soo dhaca,  ihaano iyo aflagaado kula kacaya gudoomiye Feysal Cali Waraabe iyo musharax C/raxman Cirro, isagoo ku sheegaya inay ahaayeen basaasiin oo ay basaasi jireen SNM oo Siyaad Bare iyo Gaani ay la shaqeyn jireen.   Ninkaasi, wuxuu kaloo sheegayey inay xitaa jiraan rag Faysal iyo Cirro ay xiniinyaha ka bixiyeen.

 

Boolisku ma ka jawaabey oo wax ma ka weydiiyey C/raxmaan dheere arrintaas?.  Hadda, sida la wada ogyahay,  boolisku wuxuu hore ugu xidhay muwaadin Somalilander ah, waxaad u socotay sida madaxweynaha.

 

Boolisku waa inuu tallaabo sharciya ka qaado Buuni iyo C/raxmaan dheere iyo kuwa la mid ka ah ee caadeystey inay madaxda mucaaradka TV yada ka aflagaadeeyaan, haddii kale waxay la macno noqoneysaa in aad raali ka tihiin.

 

Haddii madaxda booliska Somaliland, gaar ahaan Gen. Dabagale oo beryahan dembe fartu kugodantay ay noqdaan kuwo IL kaliya leh, oo Ishana ku  arka mucaaradka oo kaliya, taasi waxay keeneysaa:-

 

1. In booliska la qoro inuu ka tirsanyey xisbiga Kulmiye, sida Maxkamada sare ba loo qorey.

2. In boolisku lumiyo kalsoonida shacabka sida maxkamada sare ba u lumisay.

3. In boolisku waayo, wada shaqeynta shacabka, ugu dembeyna uu ku fashilmo shaqadiisa.

 

Sidaas darteed  Jananka booliska,  waxaa loo soo jeedinayaa,  inuu booliska siyaasada ka saaro, siboolisku u hanto ixtiraamka, kalsoonida iyo wada shaqeynta shacabka.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...