Xilkas Ma Laha Xamar Uwa Naga Tagiyo, Kii Xukumayaba, Xasan Sheekhnawaa Kaas Xajkii Naga Xajiimeeyay.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
XILKAS MA LAHA XAMAR KII TEGIYO,KII XUKUMAYAA,
XASAN XASHKIYO DAALO XIDHAYE,XINIYO TAAGTIIS,
XEELAD DHEERE XOOGSADE AHO,XIIMAYAAD TAHAY,
XARBIGII XAJKU GALAY,DURBABA,XAAKIMKI XAMAR,
XANIBYO XUJAJTI MA TEGIN,XAWLKA BARAKAYSAN,
XAQUL QALINKII DAALU KA XIDHAY,XOOGSII XAMAR,
XIGMAD MALEH XAYIR QAYLADU,XALAY DHAWAQIISI,
XISHMADAYNA MAYAAN,XAJKIYO XARAMKA KHARKII,
XURGUFTII FARMAJAAN LAHAA,XAALKII WUU BIXINE,
XANAFTOODA NABARU XOQAYO,SII XANUUNSADAYE,
XIDHO HADALBA HAW FURIN,CIDAN XEERU CELINAYN,
XURMAYNAN XAJKII EBBAHEN,XARAF MIYAW LAABAN,
XASAN SHEEKHNA WAAKAAS,KUWI XAMAR SUGAYOW.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!