Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Halagu Wareejo Wasiir Saajin Ama Wasiir Koorre

0
Sunday May 29, 2022 - 09:37:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Halagu Wareejo Wasiir Saajin Ama Wasiir Koorre

    W/Q: Kaysar Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kaysar Maxamed

Xisbiga Kulmiye Tusaale ha u noqdo Xisbiyada kale, Guddoomiyenimada Xisbigana haku  wareejiyo Wasiir Saajin ama Wasiir Koorre.



Asalaamu Calaykum


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhawaan ka sheegay Xafladii labaatan Guurada Xisbiga Kulmiye in uu dhawaan wareejin doono xilka Gudoomiyenimo ee Xisbiga Kulmiye, si wanaagsana oo heshiis lagu yahayna uu xilkaas u wareejin doono.


Hadaba Xisbiga Kulmiye oo si weyn u doonaya  in ururrada siyaasada la furo, isla markaasna sabab uga dhigaya in aanay jirin siyaasiyiin beelaha darafyada ka soo jeeda oo madax ka ah Xisbiyada Qaranka, ayaa waxaa looga baahan yahay in Xisbigu uu ficil u bedelo rabitaankiisa, oo  fursadan Gudoomiyenimo ee banaanaatay uu u cimaamado mid ka mid ah labada masuul ee kala ah Wasiir Maxamuud Sacad Saajin ama Wasiir Saleebaan Cali Koorre oo kasoo jeeda gobolada Sool iyo Awdal.


Si Xisbiga Kulmiye uu u tuso in Muwaadiniinta reer Somaliland ay u siman yihiin Hoggaaminta  Xisbiyada Qaranka, waxaa loo baahan yahay inuu tusaale u noqdo Xisbiyada kale oo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye lagu wareejiyo  Wasiir Koorre ama Wasiir Saajin.


Haddii Xisbigu uu raaco taladan, dadweynaha reer Somaliland si weyn ayay usoo dhawayn doonaan, waxaana meesha ka bixi doonta dooda ah in Xisbiyada Qaranka aanay Hoggaan sare ku lahayn beelaha darafyadu.


Furista iyo Tartanka Ururrada ka hor ayuu Xisbiga Kulmiye haystaa fursad uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye kaga dhigo Xubin ka soo jeeda Gobolada Bari ama Galbeedka Somaliland, waa haddii ay inaga dhab tahay inaynu doonayno in Xubno ka soo jeeda beelaha darafyadu ay Gudoomiye ka noqdaan Xisbiyada Qaranka.


NB: Kaysar ahaan waxaan aaminsanahay qof kasta oo xilalka sare qabanayaa inuu doorasho xor iyo xalaal ah ku yimaado, haddiise ay kollayba xulistii aynu isla naqaanay ay tahay, doorkan aynu u dhiibno Gudoomiyenimada Xisbiga labadan Oday midkood. Haddii kale oo aynu halkeenii ka miisno oo hebelo gaar ahi ay gacanta isku dhiib-dhiibaan, markaas Xisbiyada kale kuma sheegi karno inay yihiin Xisbiyo Qabiil.


Mahadsanidin

Kaysar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...