Xoolihii Lagu Dabooli Lahaa Biriijyada Jabay, Ha Is Weydiiyaanshacabka Iyo Xukuumaddu.
Dunida iyo caalamka kale ee aynu ku doodayno aanu ka mid noqon
oo ha
nala ictiraafo horta aynu is weydiino sida wadamada loo maamulo ma isu
maamulada oo Dan guud iyo Dawlad AAN la kala sheegan ma leenahay,
Maxkamado iyo cadaalad loo simanyey ma haynaa, ummad karti iyo aqoon
shaqo loogu qaybiyo ma haynaa. Jeelasha dad aan dembiyo lahayn ma ku
xaraynaa, xoolaha danta guud ee madaxda boobto ma ka soo celin aa maanta
waa maya. Maanta dhibaatooyinka roobku keenay iyo kuwa soo socda
xoolihii lagu DABOOLI lahaa badankoodu waa ka Siilaanyo iyo wasiiraddii
sii haystaan, waa lacagtii Wasaaratul Maaliyah inoo ooli lahayd ee aynu
daa dadka iskaga moosi lahayn. Dhibaatada gobol ma taqaan reer a ma
taqaan ee daadku wuu idin wada qaadayaa markaa maanta Dawladda Muse
Biixi ha u ooyina ee nimankaa idila jooga ee leexsady dantii Guud
shacabkan dhoohanaw u ooya Xukuumaddii Kulmiye ee hore. Xukuumadda hadda
joogta weli may ilka dhacsan oo waxba may raamsan laakiin tollow iyana
maxay yeeli.
Reer Burcona dadka eega idinkaa yaqaan halkay mareen xoolihii aa
daadka maantay ku moosi lahayd een. BIRIIJYADA Burco way garanayaa cidda
tiirarkii ka cuntay ee waa ay hadlayn ifka.
Dawlad nimadu wax kale maaha ee waa danta guud marka koobaad Maaha
reer hebel oo la tuso inay bursadaan sharci xumada iyo boobka lagu
tarbiyadeeyo dabadeed salaan laga dhigto. Markaa fahanka Dawladnimo wuu
inaga QALDANYEY, Runtiina anigu haddaan Madaxweyne maantay noqon lahaa
Siyaasiyiinta Somaliland badankooda densey world baan ku ciyaarsiin
lahaa waayo dhaqankoodu waa ka caruurtoo kale, action koodu waa ka
caruurtoo kale. Intay horteena Xoolihii danta guud ku qaataan Bay weliba
inoo maadeeyaan sidii jilayaasha.
Sudan aynu imika nahay reer Somaliland aw dunida kaga ma mid noqon karno yeynaan been isugu sheekayn.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...