Muusa Doodey Oo Yidhii " Madaxweynimo Dhiib Badanaa ''Mucaaridnimo Sal Fuduuda ''
Waa Jacbuur Kaftan ah xaqiiqna ka fogeyn sidaa arrimaha siyaasadda
Xukuumaddeenu ka muuqata ee ay u
wajahwareersan tahay xagal-dac badani iyo khibrad la'aan hoggaamin
go'aan wadatashi miisaan huwan jirin.
Sii kala fogaanshaha goboladii
Bari sabaab u tahay aqoontada kartida, iyo khibrada Golaha wasiiradda
Madaxweyne Muuse Bixii igmadey Tusaale Gaashaandhiiga Arrimaha gudaha
iyo Ganacsiga. Tayo xumaa xeelaad darranaa.
Madaxweyne dacaadan ahay
Masuul la'doortay baan ahay
Dadkii'se wey ii durayaan
Muddo dheerna maan hayn
Muurankoodu badanaa
Baahii qaran mugweyna
Madaxtooyaddan raari
Marwaddu joog imay odhan
Maalgelin hadday tahay
DPW Midabo badanaa
Midowga Yuruub shir badanaa
Go'aankoodu adaga
Mucaaridka u nuguula
Madaashii aqoonyahan difaacayga may gelin
Max'ed Kaahiin Cag-culusa
Faysal Martiqaad ku wacanaa
By: Cali C/laahi Ismaciil Dheeg
Wales, UK.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...