Hadal Waayeel Waa Guud-Mar Ayaa Hore Loo Yidhi.

0
Friday May 27, 2022 - 19:11:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadal Waayeel Waa Guud-Mar Ayaa Hore Loo Yidhi.

    W/Q Amb Kaysar Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Amb Kaysar Maxamed

Aniguna waxaan ku dari lahaa Xeerkii doorashada tooska ah ee Ururrada weli lama samayn, xataa Ajandayaasha Baarlamanka imika uguma jirto xeerarkii sida tooska ah Ururrada loogu dooranayay maadaama berigii hore ay golayaasha deegaanka ururradu ka soo bixi jireen.



Ururrada diiwaan-gelintooda waa la sii bilaabi karaa imika, laakiin xeerarkii lagu dooranayay weli lama samayn, xataa Dastuurka dalka kuma taallo ururro si toos ah loo doortaa  dunidana kamaba jirto, laakiin waxay ahayd Dhagax ay Maxkamada Sare si ka fiirsasho la'aan ah ay Ummada ugu soo dhex tuurtay.


Eegga iyo dan, wixii suurto gal ah  ha isla eegaan Xukuumada iyo Xisbiyadu, laakiin xaqiiqda aynu waajahno in ururro la dooranayaa oo Xisbiyo noqonayaa aanay soo muuqan bilaha iyo sanadada soo socda, maadaama xataa xeerarkii lagu dooranayay aanuu weli Baarlamanku samayn.


Xildhibaan Gurruuje runta iyo waaqacaas ayuu si fiican u sheegay, doorashada inoo fudud ee ay wax waliba diyaarka u yihiin ee weliba dastuuriga ahi waa Doorashada Madaxtooyada.


Su'aashu waxay tahay sidii caadada ahayd ma cuwaafta Xildhibaanku tilmaamay ka dib ayaynu doorashada qabsanaa, mise cuwaaf la"aan  aynu xiligeeda ku galno.


Labaduba waa Maqbuula haddi la isla ogolaado.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...