"Reer Sheikh Isaxaaq 45% waa Garxajis.." Xildh. Guruuje

0
Friday May 27, 2022 - 16:36:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Reer Sheikh Isaxaaq 45% waa Garxajis.." Xildh. Guruuje

    "maxaa yeeley Garxajis oo dhami doorasho madaxwayne ayuu rabaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"maxaa yeeley Garxajis oo dhami doorasho madaxwayne ayuu rabaa"

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka mid ah Barlamaanka Somaliland ayaa Talo ku saabsan xaaladda dalka usoo jeediyay Madaxweyne Biixi, waxaanu xildhibaanku sheegay in Muuse Biixi Garxajis uu garabka saaro.



Xildhibaanka ayaa qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay ku yidhi Sidan:-

 

"Madaxwayne salaan ka dib beesha garxajis ee abtiyaashaa ihi somaliland waxay ka tahey 30% beesha reer sheekh Isaxaaq na waxay ka tahey 45% baarlamaanka somaliland waxay ka tahey 30% , sidaa darteed Garxajis iyo Gaboose haday kuu joogsato  Garxajis qaado , maxaa yeeley Garxajis oo dhami doorasho madaxwayne ayuu rabaa , gaboose na urur buu rabaa, markaas Garxajis qaado oo doorashadda madaxwaynaha mudee adigoo waxoogaagii cuwaafta ahaana ku darsanaya , albaabkaa ururadda ee fidmada ahna inaga xidh." Ayuu yidhi Guruuje.


Dadka Somaliland udhuundaloola siyaasadeeda ayaa ku doodaya in Muuse Biixi fadhiga ka soo kiciyay Siyaasi Gaboobe  oo sheegay in uu dib ugu soo noqday siyaasadii uu hore ushaaciyay in uu ka fadhiistay, isagoo dhawaana Hargaya kaga dhawaaqay Urur layidhaa Barwaaqo

Loading...
Loading...