"Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Dariiqii Siyaad Bare ayay Hayaan"
Xoghayaha Biyaha Xisbiga WADDANI Mudane Bashiir Cumar Geelle ayaa qoraal baahiyay:-
Dalka Shalay Waa Loo Soo Dhintay, Horor Baa Laga Soo Dhiciyey, Maantana In Horor Laga Dhiciyo Oo Loo Dhinto Wax Diidayaa Ma Jiraan.
Dhawaaqii todobaad ka hor ee musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi kaga dhawaaqay Hotel Xayaat, wuxu ahaa in dhalinyaradu ay difaacaan masiirkooda oo xabbada aanay ka baqan ee u badheedhaan, hadalkaas dhayda ka cadaa dhangaagaalaha dhegta qudha waxa ka maqla waxay dhuuni qaatayaasha idmani ugu rogeen in Cirro ku baaqay in xabad la qaato.
Hada in xabbad la qaatana shalay baynu soo marnay oo way dhacdaa.
Waa hadii la diido hab dumuqraadi ah in lagu cabiro aragtida shacabku qabo iyo dareenkooda.
Hadaba waxaa maantana musharaxa xisbigu si fiican u caddeeyey in aan xisbiga wadani marna ku baaqin in xabbad la qaato, xisbigu ma hubaysna xabbadna ma sito, lakin hadii shacabka, taageerayaasha xisbiga, iyo dhalinyarada hiilka u ah dumuqraadiyadu isu abaabulaan banaanbax salmi ah waa dariiq furan oo nabadeed, hadii ciidanku xabbad nool ku rido dhalinyarada iyo shacabka aan hubaysnayn, waa dhagar iyo dil shacab oo badheedh ah, dhiiranayaasha xisbigu ka baqan maayaan, dibna u guran maayaan laakiin sidii ka dhacday fagaarihii masar ee taxriir, sidii ka dhacday istanbuul iyo ankara ee shacabku dawladii dimuqraadiga ahayd ee turkiga ka difaacayeen ciidanka militariga, tabtaas uun bay la mid tahay, banaan bax salmi ahi waa jid dimuqraadi ah oo banaan.
Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin shalay waxay ahaayeen halgamayaal la dagaalamay hororkii Maxamed siyaad iyo cali samatar.
Maanta iyagii baa dariiqii xumaa haya.
Jidkii halgankana inta maanta ka hortagta ayaa haysa sababtoo ah maanta Muuse biixi waxanu ka diidanahay inuu isu dhigay halkii Maxamed Siyaad, halka Maxamed Kaahina uu sidii Cali Samatar gacantiisa dab ku hulaaqinayo.
Inaynu ka hor tagnaana waa sharaf iyo faan.
Waxay diidan yihiin jidkii shalay ay talada ku yimaadeen ee doorashada,
waxay diidan yihiin nidaamkii dimuqraadiga ahaa, waxay xidh xidhayaan cidii ka
fikir duwanaata, waxay qaybinayaan bulshadii wadanka wada lahayd, waxay
hurinayaan colaad sokeeye iyagoo dadkana u qaybinaya beelo iska hor jeeda.
Waxay tumayaan dawanka naxliga waxay doonayaan inay garab ku helaan hab qabiil ah sidii shalayba Siyaad Barre miciinka u biday qabiilka.
Waxay is tuseen inay haystaan cudud ciidan, waxayse ilawsan yihiin in ay iyaba ciidankii Maxamed Siyaad ahaayeen hadana ay ka hor tageen taliskii leexday.
Maantana hadii ay leexdeen aan ciidan difaac xaqdaro ah ugu jiri doonin.
Waxay ilawsan yihiin in bulshadu maanta wacyi ahaan ka koran tahay tii shalay.
In maanta ay jirto warbaahin xor ah oo dadku ka xog ogaalsan yihiin sidii shalay.
In maanta aqoontu ka badan tahay tii shalay.
Waxanu ugu baaqaynaa Muuse Biixi inuu dariiqa sharciga ku soo noqdo, waxaanu ka hor taaganahay inuu raaco dariiq kelitalis ah oo uu isna ku lumayo dalkana ku duminayo.
Hadii shalay loo soo dhintay dalka difaacistiisa maantana ma jirto wax diidayaa in la difaaco oo loo dhinto.
Noloshu waa halgan, halgankuna wuu soconayaa inta aynu helayno dawladnimo haboon oo horuumarkeena iyo himiladeena ka shaqaysa.
Waxaynu u huraynaa waqti, maal, naf iyo nololba.
Waa dhab 30 sano oo aynu dawladnimada somaliland haysaney inaynaan
gaadhin halkii ay ahayd inaynu gaadhno, laakiin in dariiqa is doorashada oo ah
nidaamka qudha ee inoo taabo galay la soo xidho taa marnaba ma aqbali karno
qiime kastana waa ku bixinaynaa.
Markaa dhalinyaroy ha qariibsanina hana u qaadan waayina hadii xukuumadiinu xabbad idiin quudho inaad ku dhiirataan oo shafka u dhigataan waa sharaf waxadna difaacaysaan gobanimada wadankiina gobanimadana waa loo dhintaa waana mudan tahay.
"Gobanimada waa loo dhintaa goor iyo ayaan".
Gudgude, Hadraawi.