"Yay dhalliili doonaan hadday dhama'do Caawana – Ahmed Jiinis"?

0
Friday May 27, 2022 - 12:25:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Yay dhalliili doonaan hadday dhama'do Caawana – Ahmed Jiinis"?

    W.Q. Ahmed I Abdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W.Q. Ahmed I Abdi

Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhib weyni ka taagan tahay ku dhaqanka sharciga, odayaashii waanwaanta kusoo wadi jireyna way sii dhammaanayaan. Maxaa xal ah ?



31 Sano kadib waxay ahayd inay inoo dhismaan Haayado dawladeed oo awood lihi, kana awood badan masuuliyiinta xilalka ka haya isla Haayadahaas. Hay’adda dawladeed ee awoodda lihi waa ta sharciga ku ilaalisa isla qofka madaxda ka ah xafiiskaas. 20 Sanadood oo Jamhuuriyada Somaliland kusoo dhaqmaysay nidaamka Xisbiyada badan, xilli dhamaadka Madaxweyne walba waxa cirka isku shareerayay khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya xilgudasho la’aan ka timid inta xilalka loo dhiibtey ee uu ugu horreeyo Madaxweynuhu.


5 Sano kadib wakhti dhammaadka Madaxweyne Biixi na isla khilaaf ku saabtan qabsoomi la’aanta doorashada Madaxweynaha ayaa taagan. Doorashadii Golaha Guurtida oo ku beegnayd Bishan May 2022 dhammaadkeeda cidi ma hadal hayso, Diwaangalinta ururada cusub xeerkoodii ma dhammaystirna, wakhtigii la bilaabi lahaa diwaangalinta dadka cusub ee codaynaya doorashada Madaxtooyada lama bilaabin, Doorashadii Madaxtooyada oo ku began Nov 2022 wali muran baa ka taagan, tartansiinta Ururada cusub iyo Xisbiyada ee December 2022 iyana la iskuma waafaqsana. Marka waxan oo shaqo ahi isasoo gaadheen bilihii udambeeyay ee dhammaadka xilliga Madaxweynaha, waxa is weydiin leh muxuu qabanayay Madaxweynihii hawlahan loo igmaday 5 Sano ee la doortey ?


Sida muuqata, Xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee Madaxweyne Biixi waxa haysta culaysyo siyaasadeed oo u diidaya inay doorasho gali karto November 13 2022. Waxqabad la’aantii 5 tii sano ee la soo dhaafey, kala daadsanaanta Xisbiga talada haya ee Kulmiye, fashilka kasoo gaadhay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiilada iyo Golaha deegaanka, isbaddalada togan ee ka dhacay Xisbiga Waddani; ayaa Xukuumadda Biixi ku abuurey hubanti la’aan ay ka qaatey inay guulo ka gaadhi karto doorashada Madaxtooyada ee muddaysan November 13 2022.


Si arrimahaas sare ay uga galgalato, waxa ay xukuumadu bilawday dariiq kale oo ay ku raadin karto cimri dherersi iyo muddo kordhin.


Guddidii doorashooyinka ayay xukuumadu faro galisay, iyada oo Madaxweynuhu magacaabay gudddi lagu sheegay baadhis musuq maasuq, balse xaqiiqadu tahay barbilawga dib u dhigista doorashada Madaxtooyadda ee Nov 13 2022. Xukuumaddu waxay cadaadis ku saartey in qaar kamid ah xubnaha komishanku iscasilaan, halka kuwo kale oo ay kamid tahay guddoomiyaha cusub ee komishanka Marwo Kaltuun na ilaa hadda culays kaa la mid ah xukuumaddu ku hayso. Waxaas oo dhammi waa ka meeraaysiga doorashada muddaysan ee November.


Bishan 5aad ee sii dhammaanaysa waxa qorshaysnaa diwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada Madaxtooyada oo ay hore komishanku ula wadaageen qorsheheeda Xisbiyada Qaranka. Bishan 6aad ee sanadka waxa qorsheysan diwaangalinta ururada cusub. Bisha 11aad ee sanadkan waxa ku began doorashada Madaxtooyada, badhtamaha bisha 12aad ee isla sanadkana waxay ahayd inay tartamaan ururada cusub iyo Xisbiyada hada jira.  Nasiib darro, dhammaan qorsheyaashaasi waxay hadda u muuqdaan in xukuumadu caqabad ku tahay.


Diwaangalintii ururada cusub ayay xukuumadu ka dhigtey doorasho. Doorashadii Madaxtooyada ee iyada lagu baddali lahaana waxay ku raadinaysaa muddo kordhin. Waa halka uu salka ku hayo khilaafka Maanta taagani. Ma jirto doorasho ururo oo dhacaysa ka hor Nov 2022, balse waxa dhacaysa diwaangalinta ururada cusub oo kaliya. Tartanka ururada cusub iyo Xisbiyadu waa bil ka hor wakhti dhammaadka 10 sano ee Xisbiyada. Diwaangalinta ururada cusub 6 bilood ka hor wakhtiga dhammaadka Xisbiyada jira macneheedu maaha in 10 kii sano ee Xisbiyada laga dhigay 9 sano iyo 6 bilood.


Ma jiraan Mucaarid iyo Muxaafid ba Xisbiyo diidan in la furo ururo cusub, waayo waa sharci oo cid diidi kartaa ma jirto. Mana jiraan Mucaarid iyo Muxaafid ba Xisbiyo diidan in ururada cusub la diwaangaliyo Bisha June ee 2022. Hadaba muxuu khilaafkani dhab ahaan salka ku hayaa ? Wuxuu salka ku hayaa:

                                      

1. Xukuumad aan doorasho galin Karin Nov 13 2022, oo u isticmalaysa diwaangalintii ururada food saare ay muddo kordhin ku hesho.            


2. Mucaarid diyaarsan oo doorasho isu diyaariyay November 13 2022.


Maxaa xal ? Xalka ugu dhawi waa in Xukuumadu faraha kala baxdo guddida doorashooyinka Qaranka, Bishan 6aad dhammaadkeedna la qabto diwaangalintii ururada cusub, Nov 13 2022 tii Madaxtooyada, dhammaadka Dec 2022 la tartansiiyo ururada cusub iyo Axsaabta manta jirta sidii qorshuhu ahaa.


Si intaas loo helo waa inay jirta cid saddexaad oo dhinacyada is khilaafsan miiska isugu keeni karta, kuna kor joogteyn karta waxyaabaha lagu heshiiyay. Kaalintan waxa qaadan kara waxgaradka, Culimada, Salaadiinta iyo xataa haddii loo baahdo Beesha Caalamka ee inaga taageerta doorashooyinka.


Xal aan doorasho ahayn malaha !

W.Q. Ahmed I Abdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...