Halkuu Ku Fadhiyaa Muruga Siyaasadeed Iyo Khilaafka Doorashooyinka Ee Dalka Jamhuuriyada Somaliland Soo Foodsaaray ?

0
Friday May 27, 2022 - 12:04:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkuu Ku Fadhiyaa Muruga Siyaasadeed Iyo Khilaafka Doorashooyinka Ee Dalka Jamhuuriyada Somaliland Soo Foodsaaray ?

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Dadkii Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dhaga-barjoobeen maalmahan muruga siyaasadeed ee taagan , waxa la isku hayo cida qaldan iyo sida xaalku yahay oo qofwaliba waxa uu ku weydiinayaa maxaa la isku hayaa ?

 

Dalka jamhuuriyada Somaliland sidii aynu ogeyn waxa heshiis lagu yahay in kuraasida qaranka ee doorashada ku yimaadaa ay mudo leeyihiin ( mandate ) ama xili dhamaad ka dib doorasho la galo lagu soo doorto kuraasidaasi.

 

Sanadka aynu ku jirno ee 2022 waxaa ku beegan gudihiisa sadex doorasho oo dastuuri oo dalka jamhuuriyada Somaliland aad ugu baahan yahay in aanay midina xiligeedii dhaafin waxaana ay kala yihiin ;

 

1- Doorashada Golaha Guurtida oo ay ahayd in ay dhacdo 31-May-2022 oo 5 maalmood ka hadheen.

 

2- Doorashada Ururada siyaasada oo diwaangalintii ururada lagu dhawaaqo bisha June 2022  si loogu diyaar garoobo , oo ah lix ( 6 ) bilood ka hor xiliga ay doorashadoodu dhacayso.

 

3- Doorashada Madaxweynaha oo ku mudeysan 13-Nov-2022.

 

MAXAA KA QABYO AH DOORASHOOYINKANI SADEXDA AH ?

 

Doorashada golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland ;

 

1- wali la ismaba weydiin qabashadeeda iyo sida loogu hawlgalayo.

 

2- Xeerkii lagu dooran lahaa la sameyn .

 

3- Lacagtii doorashada lama diyaarin.

 

Sidoo kale ma muuqdaan daneeyeyaal dabada ka riixaya in doorashadani la qabto oo ah doorashada kaliya ee aan wali laga qaban intii dalku nidaamka dimuqaradiyadeed u guurey waxaana fadhiya golihii la doortay 1997 oo mudane walba markii uu geeriyooday inankiisii dhaxlay , qaar baa ay fadhiyaan mudanihii la doortay 1997 inankii uu awowga u ahaa.

 

Xukuumad waliba golahani waalla heshiis waayo waa golaha sameeya mudo kordhinta oo iskumaba dayaan in ay doorashadiisa qabtaan , axsaabta mucaaridka ahina hada kama hadlaan laakiin kuwii hore waa ka hadli jireen.

 

Doorashada kale ee ku xigtaa waa doorashada ururada siyaasada oo sharciga dalku dhigayo in tobankii ( 10 ) sanadood ba mar ururada siyaasada la furo , hadda 2022 waa markii sadexaad oo waxa dalka ururo siyaasadeed laga qabtay 2002 iyo 2012 oo labada goorba ay ku soo baxeen sadexda xisbi qaran ee dastuurka dalka qodobkiisa 9aad dhigayo.

 

Doorashadani gudigii qabanayey golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ayaa ansixiyey intii badnayd waxaana gudoomiyaha maxkamada sare dhaariyey 25 May 2022 , waxaana la rajeynayaa in ay xilkii tirsadaan oo shaqadii bilaabaan si deg-deg loogu qabto tartankii ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka 26 June 2022.

 

Tartankani waa laba qaybood oo ay qayb ka mid ah waxa iska leh shaqadiisa gudiga diwaangalinta ururada siyaasadeed iyo axsaabta qaranka oo waxa ay shuruudaha ku soo hubinayaan sida uu dhigayo Xeer.Lr.14/2011 ururada siyaasada iyo axsaabta buuxiya .

 

Waxaana inta soo hadha ay u gudbin doonaan komishanka doorashooyinka qaranka oo u qaban doona doorasho toos ah sida uu dhigayey Xeer.Lr.14/2021 oo qodobkaasi ay maxkamada dastuuriga ahi ka soo reebtay oo lagu kabayo Xeer.Lr.14/2011.

 

Haddaba maadaama ay doorasho madaxwayne soo dhowdahay ayaa halkani waxa la isku hayaa laba aragtiyood oo dadka qaar ba mid qabaan oo aan wali gudiyadii ku shaqo lahaana ka soo saarin war bixin waxaana ay kala yihiin ;

 

1- Maadaama xeerku qorayo in ururada siyaasada iyo axsaabta tartamayaan in sidii 2012 dhacday inta qiimeynta ka soo gudubta xisbi iyo ururba ay gasho tartan oo sadexda xisbi ee ku soo baxaa ay galaan doorashada madaxweynaha ee soo socota iyo

 

2- in ururada siyaasada gaar loo sii kala xulo oo hawshaasi aanay khuseyn xisbiyada maadaama liisankoogii ka dhacayo bisha Dec 24 oo ay xaq u leeyihiin in ay iyagu doorashada madaxweynaha galaan 13 Nov 2022 , bil ka dibna la galo doorashada ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka 24 Dec 2022.

 

Labadaasi meelood ayey kala taagan yihiin mucaaridka iyo muxaafidka dalku laakiin waxa sharci noqonaya sida ay ku taliyaan gudiga ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka iyo gudiga doorashooyinka qaranka oo marka ay wakhtiga eegaan ay tahay in ay soo saaraan suurtagalnimada doorashooyinka iyo in xiligooda lagu wada qaban karo.

 

Markaa ka dib waxaa lagu go'aan qaadan doonaa oo laga wada tashan doonaa waxa la yeelayo sidii la isugu raacaay doorashadii isku sidkanayd ee 31-May-2021 golaha wakiilada iyo deegaanka dalku u galay si la mid ah.

 

Waxaana aad moodaa in la siyaasadeynayo oo xukuumaduna rabto in ay mucaaridka ku cadaadiso doorasho kale oo dastuuri ah iyo xaq ay muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland leeyihiin oo ah tartanka ururada siyaasada ee tobankii sanadood ba hal mar oo la joogo xiligiisii.

 

Mucaaridkuna ay ku iimaan laayihiin doorashada madaxweynaha oo ay ka hadhay 6 bilood oo ay is diidsiinayaan doorashada ururada siyaasada maadaama ay iman karto in ururada siyaasadu doorashada madaxweynaha u tartamaan oo looga heshiiyo sidii doorashadii isku sidkanayd ba la iskula qaatay oo xeer loo sameeyo lagu wada galo.

 

Markaa muruga siyaasadeed ee axsaabta siyaasada iyo xukuumada u dhexeeyaa waa intani , waxaa sii dheer oo xaaladahani cirka ku sii shareeraya komishankii doorashooyinka qaranka oo khilaaf hadheeyey xubnona is casileen oo shaki galinaya in aan doorasho la qaban karayn iyo diwaangalintii doorashada ka horeysay.

 

Isku soo wada duub jamhuuriyada Somaliland uma baahna madaxwayne tiisa uun ku dhegen iyo mucaarid kursiga madaxweynaha oo kali ahi u muuqdo ee waxa loo baahan yahay caqli iyo xal wanaagsan oo doorashooyinku ku dhacaan muwaadin walibana xaqiisa ku helo oo lagu heshiis yahay.

 

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Mob ±252634429221

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...