'' Hadaan Dhinto 'Yaan La I Aasin '' .W/Q: Ahmed Nour Guruje
Waa kuma Etienne Tshisekedi .
Tshisekedi wuxuu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Konogo lixdamaadkii qarnigii horre , hassa yeeshee wuxuu goostay in uu hogaanka u hanqal taago , waanu ku guul daraystay .
Sanadii 1982 ayaa Madaxwaynihii horre wadankan DRC Congo oo waagaas la odhan jirey Zaire ,Madaxwayne Mabuto seseko wuxuu u magacaabay Raysal wasaare , waxaanu booskaa hayay ilaa 90 qarnigii tegay .
Hasse yeeshee wuxuu ka soo horjeestay Mabuto , waxaanu ka mid noqday hogaamiye-yaashii Jabhadihii la dagaalamayay Mabuto ee aakhirkiina riday .
Markii mucaaridkii uu watay wadanka qabsadeen , waxay iska hor yimaadeen saaxiibkii Madaxwayne Lauren Kabila oo Madaxwayne noqday , hadana halkii ayuu ka bilaabay halgankiisii .
Ugu danbayn markii uu dhintay Madaxwayne Kabila , 2006 Etienne Tshisekedi wuxuu Aasaasay Xisbigga ugu wayn Mucaaridka Koongo ee loo yaqaano UDPS , waxaanu u tartamay doorashooyinkii wadankaas ka dhacay 2006-2011 , hassa yeeshee labadaa doorashaba wuu ku dhacay , isagoo ku dooday in lagaga shubtay .
Aakhirkii Mr Etienne Tshisekedi wuu xanuusaday , xisbigiisiina waxaa kala wareegay inankiisa Mr Felix , kaasoo isu soo taagay booskii Madaxwayne ee Aabihii u ordayay .
Dardaarankii cajiibka ahaa .
Sanadii 2017 ayaa Mr Etienne Tshisekedi xaaladiisa caafimaad u muuqatay mid geeri qarka saaran , waxaanu ku dardaarmay in hadii tiisi noqoto aan la aasin ilaa wiilkiisa Felix Madaxwayne noqdo .
20- Jenuary 2019 ayaa laggu dhawaaqay Xisbigga UDPS ee Mucaaridka ihi doorashadii ku guulaystay , Xisbigaas oo uu u sharaxnaa wiilka uu dhalay Mr Etienne Tshisekedi , ahaana wiilka uu ku dardaarmay ilaa uu Madaxwayne noqdo in aan la aasin .
Ugu danbayn , maalintii shalay ahayd ayaa Mr Etienne Tshisekedi laggu aasay Magaaladda Kinshasha , isagoo ilaa markii uu dhintay 2017 maydkiisu yaalay Wadanka Bilgum oo uu ku geeriyooday .
Aaska Etienne Tshisekedi iyo dardaarankiisiina waxay noqdeen kuwo aduunyadda aad usoo jiitay .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!