Laba Nin Oo 40% Cimrigooda Ku Soo Qaatay Dagaal, Ayey Laba Nin Oo Weligood Xabbad Ridini Dagaal Ugu Baaqayaan.

0
Thursday May 26, 2022 - 21:14:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2733
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Laba Nin Oo 40% Cimrigooda Ku Soo Qaatay Dagaal, Ayey Laba Nin Oo Weligood Xabbad Ridini Dagaal Ugu Baaqayaan.

    "Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin noloshooda waxa ay soo qaateen dagaal"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin noloshooda waxa ay soo qaateen dagaal"

2003-dii Wakhtigii uu Cabdilaahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa Puntland ayuu isku dhac dhexmaray ciidamada Soomaalilaan iyo kuwa Puntland. Soomaalilaana waxa madaxweyne ka ahaa Daahir Riyaale, markaasay warbaahintu Cabdilaahi Yuusuf weydiisay dagaalka dhexmaray labada ciidan.



 Wuxuu yidhi” Adeer Riyaale muxuu dagaal ka yaqaanna, waa nin yare cimrigayga inta ugu badan ayaan dagaal ku soo qaatay, haddana dagaal ma dalbanayo oo waan garanayaa wuxuu yahay. Isagu sheeko ayuu ku maqlay.” Xaaladda taagan ayaa taasi u eeg maanta.


- Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin noloshooda waxa ay soo qaateen dagaal iyo xabbad, haddana  maanta iyaka ayaa nabadda ugu jecel waayo way soo dhandhamiyeen qadhaadhka dagaalku leeyahay. Haddi lagu kelifana waa shaqadoodii.


- Musharrax Cirro iyo musharrax Faysal oo cimrigooda 40% raaxo ku soo dhammaystay ayaa haatan dalbanaya dagaal, iyaga oo aan weligood arag meel xabbadi ka dhacayso. Muqdisho ayey C/raxmaan C/shakuur iyo Raysal wasaare hore Khayre mudaharaad ka dhigeen, markii xabbad lagu riday ayey kabaha ka yaaceen, ileyn qurbaha ayey ka yimaadeen oo weligood meel xabbadi ka dhacayso.


Qoraagga Cali Coomay.

 

Loading...
Loading...