KULMIYE Oo Dib Loo Xasuusiyay Dhalinyaro Ku Dhimatay Mudaharaad Uu Sameeyay Wakhtigii Uu Mucaaradka Ahaa

0
Thursday May 26, 2022 - 21:03:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULMIYE Oo Dib Loo Xasuusiyay Dhalinyaro Ku Dhimatay Mudaharaad Uu Sameeyay Wakhtigii Uu Mucaaradka Ahaa

    Balanqaad Ay Sameeyeen Oo Beenoobay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Balanqaad Ay Sameeyeen Oo Beenoobay.

Hargaysa (HWN) Abwaan Xasan Daahir  - Weedhsame ayaa shacabka dib uxasuusiyay dhacdo ay ku geeriyoodeen laba wiil oo dhalinyaro ahaa xili xisbiga KULMIYE mucaarid ahaa oo Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale xidhay xarunta Baarlamaanka Somaliland.



Waxaana dhimasha labada Wiil ee geeriyooday si qiiro leh uga hadlay Qaar kamid ahaa Masuuliyiintii Xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo balan qaaday inay sanad walba xusidoonaan dhimashada labadaas wiil, balse balanqaadkaasi muu rumoobin, abwaanka ayaan qoraal uu dhacdadaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay uqoray sidan:-


"2009-kii ayaa madaxweynihii hore DAAHIR RAYAALE guriga baarlamanka ka xidhay mudanayaasha oo berigaa mucaaridka u badnaa. Mudaharaad baa dhacay laba wiil baase ku dhintay. KULMIYE oo berigaa mucaarid xil u carara ahaa ayaa xus ballaadhan oo uu wiilashaa u sameeyey aad isaga oohiyey. Cabdicasiis Samaale oo berigaa ahaa Ku xigeenka baarlamanka, waxa ka mid ahaa qudbad dheer oo uu jeediyey: "weligayo illaawi mayno mujaahidiintaasi xaqa u dhintay, sanad kastana waanu xusi doonaa, sawiradoodana baarlamanka ayaanu soo sudhi doonaa"


Dib miyaad uga maqasheen wiilashaa magacooda? Dib miyaad u aragteen iyagoo xusaya? Sawiradoodii miyaa baarlamanka la sudhay ? Jawaabtu waa "MAYA”


Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridku si aan cunfi iyo xanaf lahayn ha u dhammaystaan khilaafkooda, balse dadka dhiigiisa yaanay ka dhigan sallaan kursiga lagu koro. Dhallinyartayadu way ka qaalisan tahay wax kursi loo sadqeeyo.” Ayuu yidhi Abwaan Weedhsame.

Loading...
Loading...