"Ciidanka Somaliland Qoryahooda Waxa Leh Reero La Qarameeyay" Xisbiga Waddani

0
Thursday May 26, 2022 - 20:51:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciidanka Somaliland Qoryahooda Waxa Leh Reero La Qarameeyay" Xisbiga Waddani

    Xisbiyadaan baabiinayaa anna Boqor ayaan ahaanayaa ma suuragalaysaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyadaan baabiinayaa anna Boqor ayaan ahaanayaa ma suuragalaysaa?

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa usoo jeediyay ciidamada Ammaanka Somaliland inay dhex ka noqdaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.



Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in aan Muuse Biixi laga aqbalayn in uu yidhaa anaa dalkan Boqor ka noqonaya, xoghayaha ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

"Somaliland waxa ku yaal 10 Xabsi, waxay qaadan tiro ahaan Maxaabiis dhan  (3,664) Xabsiyada Somaliland waxay qaadaan tiro ahaan dumarka  (101)  Raggana waxay qaadaan (3,563) qiyaas ahaan tirada shacabka Somaliland waxa (5.7 million) doorashadii u danbaysay waxa u codeeyay Xisbiga WADDANI Taageerayaal dhan 226,092 (40.7%) cabudhin, xoog iyo xadhig ma lagu fulin karaa doonista gurracan ee Xukuumadda? Shacabka Doorasho la’aan intee lagu xukumi karaa? Xisbiyadaan baabiinayaa anna Boqor ayaan ahaanayaa ma suuragalaysaa?


Marnaba Amni darro u gacan haadin mayno, ha’yadaha  amnigu dhex haka ahaadaan muranka siyaasiga ah. yaan loo isticmaalin shacabka, Siyaad Barre wuxuu hoggaaminaayay quwadaha Africa dalalkii ugu weynaa mid ka mida, halkii ay martay taariikhdeeda waa la hayaa. Ciidanka Somaliland qoryahooda waxa leh reero la qarameeyay, haddi rabitaan qaldan loo adeegsado ahaanmayso xaaladdu sidii ay ku mareen 18 MAY, waxay qurux iyo sharaf ku leeyihiin dufaaca qaranka.


Muddo xileedkii Muuse Biixi 5 sano ayuu ahaa waxa hadhay waa lix bilood, haddi uu wax qabtay oo shacabka kalsooni ku qabo sanduuqa tuurta ma saarteen ee wuu tartami lahaa, dawladnimadeenu waxay qaayo ku leedahay doorasho xora, ninka codka haystaa ma cabsado fadlan fagaaraha kaalaya. ummadda yaan lagu celin meel laga yimi. waxgaradka, waayeelka iyo cid kastoo damiir lihi yaanay maanta runta is diidsiin, shacabka waxa waajib ku ah jid sharci in ay ku dufaacaan Dawladnimada Somaliland” ayuu yidhi Xoghaye Dhamme.

Loading...
Loading...