Jiif Caaqilka Musharrax Cirro Oo Hanjabaad Dagaal Hawada Umariyay Muuse Biixi
Hargeysa - (HWN)- Jiif Caaqil Siciid Maxamuud Cilmi (Marti-ilaaq) oo ka
mid ah Cuqaasha beesha uu ka soo jeedo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxa uu si adag u naqdiyey
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isaga oo dhinaca kalena sheegay in
Beesha uu Caaqilka u yahay ee uu ka soo jeedo laga ilaalinayo sida uu hadalka u
dhigay Madaxnimada dalka iyo in ay ku fadhiiistaan kursiga Madaxweyne ee
Somaliland.
Jiif Caaqil Siciid Maxamuud Cilmi (Marti-ilaaq), Caaqilka Beesha Muuse Cabdalle iyo xubno kale oo isugu jira Mujaahidiin iyo odayaal oo shir jaraa’id shalay ka hadlay ayaa waxa ay si adag u dhaliileen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyaga oo walaac ka muujiyey wax ay ku tilmaameen xaalad doorasho diid ah oo ay sheegeen in xukuumadda gaar ahaan Madaxweynuhu aanu diyaar u ahayn doorasho dalka ka dhacda waxaanay ugu baaqeen in uu dalka doorashada Madaxnimada ka qabto haddii kale dalku fawdo iyo qas gali doono sida ay hadalka u dhigeen.
Jiif Caaqil Siciid Maxamuud Cilmi (Marti-ilaaq) oo isagu si adag uga
hadlay xaaladdan ayaa waxa uu baaq u diray xubnaha ka tirsanaan jiray Jabhaddii
SNM ee beeshiisa ka soo jeedda kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay u diyaar
garoobaan xaalad uu ku sheegey mid gaar ah oo ay isugu yimaaddaan caasimadda
Hargeysa inta aanay gaadhin 26-ka Bisha Juun ee innagu soo aaddan isaga oo
dhinaca kalena Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu hanjabay in haddii doorashada
Madaxweynuhu wakhtigeeda ku qabsoomi waydo ay tallaabo qaadi doonaan.
Jiif Caaqil Siciid Maxamuud Cilmi (Marti-ilaaq) oo arrimahaa ka hadlayaa
waxa uu yidhi: "Mid waxaan odhanayaa Madaxweyne Muuse Biixi ayaa odhanayaa.
Midna waxaan odhanayaa Reerka Muuse Cabdalle labadaasi kelmadood oo kali ah
ayaan odhanayaa. Mid Madaxweyne Muuse Biixi Baan odhanayaa oo Madaxweynoow
haddii aad sharcigii laashay oo aad duuduubtay waanu kula laalnay annana waan
kula laalnay wixii aad ka heshaabaad leedahay wixii halkaa ka yimaaddana adiga
ayaa qaba. Midna Muuse Cabdalle ayaan odhanayaa oo waar Marka Garxajis laga
tago ee Habar Yoonis laga tago Muuse Cabdallow Ina Cirro (Cabdiraxmaan Cirro)
waa Muuse Cabdalle. Muuse Cabdalle ayaana Kursiga loo diiddan yahay. Haddaba
nimanka diiddanna waynu is garanaynaa. Nimanka diiddanna waa nimankii aynu
shalay halkaa wada joognay. Nin Muuse Cabdalle ah oo Makarafoon ka hadlaya ama
nin leh noocaasaanu yeelaynaa leh wali maan arag haddaba waxaan idin leeyahay
intii Jabhadda ka hadhay ee Muuse Cabdallow 26-ka Juun ka hor waa innoo
Hargeysa halkaasi ayaynu isugu imanaynaa waanan idin salaamayaa” ayuu yidhi
Jiif Caaqil Siciid Maxamuud Cilmi oo loo yaqaano Marti Ilaaq.
Dhinaca kale Xubno isugu jiray odayaal iyo xubno ka tirsanaan jiray Jabhaddii SNM oo beesha Caaqilka ah oo Iyana shirka jaraa’id ka hadlay ayaa iska daba maray sida ay u dhaliilsan yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyaga oo madasha ka soo jeediyey hadallo hanjabaad iyo dagaal ah oo ay ku baaqeen halka ay xuseen in haddii doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda ku qabsoomi waydo ay xaaladda dalku fawdo noqon doonto sida ay hadalka u dhigeen.