Muuse Biixi Iyo Talada Dalka M/Weyne Iyo Webigii Waalida (Qaybtii 71aad) Maxamed Xoosh

0
Sunday June 02, 2019 - 09:00:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka M/Weyne Iyo Webigii Waalida (Qaybtii 71aad) Maxamed Xoosh

    Waxqabadka Iyo Rabitaanka Shacabku Isma Qaataan Inta Badan Sheekadan Ayaa Tilmaamaysa Webigii Waalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxqabadka Iyo Rabitaanka Shacabku Isma Qaataan Inta Badan Sheekadan Ayaa Tilmaamaysa Webigii Waalida

Waxa Laga Sheekeeyaa In Webi Dhex Mara Boqortooyo Ay Deganaayeen Shacab Iyo Boqor Is Ogol
Webigii waxa Ku Dhacay Daacuun "Cudur" Qofka Cabaa Uu Ku Waalanaayo


Shacabkii Ayaa Ka Cabay Webigii Dabadeed Way Wada Waasheen, Dadkii Ayaa Kooxo Kooxo Isku Raacay Oo Ku Wada Hadlay Af Aanay Dadka Fayoobi Garan karin


Boqorkii Ayaa Dareemay Inay Khatari Soo Food Saaratay, Wuxu Sameeyo Ayuu Garan Waayay Dadka Intuu Yaqaanay Ayuu Uga Digay Xanuunkan Waalida Balse Daacuunkii Waalida Ayaa Wada Gaadhay Shacabkii Oo Dhan,


Maalin Maalimaha Ka Mid Ayuu Boqorkii Ku Toosay Isagoo Daacuunkii Waalidu Haleeley Boqoradii, Boqoradii Ayaa La Kulantay Qayb Ka Mid Ah Shacabkii Waalnaa Iyadoo Ka Cabbanaysa oo Leh Boqorkii Ayaa WAASHAY


Wasiirkii Gacanta Midig u ahaa Wuxu u Sheegay Boqoradii ayaa Xanuunkii Waalidu Haleelee Mee Ilaaladii u Gaarka ahaa Markay Waxani Dhacayeen


Wasiirkii: Ilaalada Laftigoodii ayuu Xanuunkii Gaadhay

Boqorkii : Iidoona Dabiibkii

Wasiirkii : Diktoorkii Isna Wuu Waashay Boqorow

Boqorkii : Waa Maxay Dhibtani Yaa Ka Fayow Dadkii Magaalada Deganaa ?

Wasiirkii : Waan Ka Xumahay,Magaalada Dhan Aniga iyo Adigaa ka Fayow

Boqorkii : Waxaan Dirqi ku Maamuli Jiray Dadkii Fayow oo Caafimaad Qaba Sideen u Maamuli Karaa Dadka oo Wada Waalan

Wasiirkii : Boqorow Shabcabku Wuxuu u Haystaa Inay Iyagu Fayowyihiin oo aanay Jirin Cid Waalani Aniga iyo Adiga Mooyaane

Boqorkii : Waa Maxay Waxaad ku Sheekaynaysaa, Iyagaa Webiga ka Cabay Iyagaanu Xanuunku ku Dhacay

Wasiirkii : Dhab Ahaantii Boqorow Waxay ku Andacoonayaan inay Biyaha u Cabeen si ay Uga Badbaadaan Daacuunka "Xanuunka" Waaalida, Sidaa Awgeed Ayay u Haystaan in Aniga iyo Adigu u Waalanhay

Boqorkii : Ii Dhiib Koob Ka Mid ah Webiga Waalida Aan Kabadee ....WAALI WAXA AH ANIGOO AHAADA NIN FAYOW DADKA OO WADA WAALAN.


Luqadda Siyaasiga ah ee Muuse Biixi Ku Hadlaayo iyo Afkay Fahmayaan Shacabku Kolay Turjumaan Looga Maarmi Maayo

Alle Ayaa Mahad Leh

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...