Doorkani Gaboose Waxa Uu Rabaa In Uu Ku Soo Baxo Xirfadii Cirro Iyo Jidkii Ururka Waddani Soo Raacay 2012.

0
Thursday May 26, 2022 - 10:49:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Doorkani Gaboose Waxa Uu Rabaa In Uu Ku Soo Baxo Xirfadii Cirro Iyo Jidkii Ururka Waddani Soo Raacay 2012.

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Markii ururada siyaasada Somaliland la furey markii labaad oo ahaa 2012 ayaa Dr Mohamed Abdi Gaboose oo ahaa siyaasi cabqari ah ayaa intii uu xilka wasiirka arimaha gudaha hayey waxa uu mucaarid iyo durid adag uu kala hortagay Muuse Biixi iyo xisbiga kulmiye oo markaa xukuumada gaar ka ahaa.



Markii uu Dr Gaboose xukuumada dibada uga baxayna waxa uu ku dhawaaqay ururkii Ummadda oo mucaaradad xoogan xisbiga kulmiye iyo xukuumadii Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahayd mid u nugul dhaliisha aadna u neceb mucaaridada kala hor yimid.


Isla xiligaasi waxa urur siyaasadeed ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo la garan la'aa in uu mucaarid yahay iyo in uu muxaafid yahay,  bal ee waxaaba lagu xamanayey in xukuumada kulmiye u furtey iyo in Dahabshiil wax ku leeyahay.


Ururkaasi oo ahaa waddani waxa markii laga yaabay sidii uu u socday dhaqaalaha uu isticmaalayey iyo awoodiisa qofwaliba oo reer Somaliland ahi saadaaliyey in uu kaalinta koowaad ku soo baxayo waliba xiligaasi xisbiga kulmiye waxa isku dhex haystay kooxdan waddani joogta iyo kornayladan dalka haysta oo xaaladiisu may wanaagsanayn.


Isku soo wada xoori oo wareysiga Dr Gaboose oo aan daawaday ayaan u fahmay in uu ka jawaabayey qoraalo hore oo aniga iyo dad kaleba ku dhaliilnay in uu rajiimkan jooga amaan huwiyey xili looga hanweynaa qaabkaa uu u hadlay ayaa ku sifeeyey in uu wax badan ka bartay dhawrkii goor oo hore una muuqata in uu sidani dan mooday.


Hadalkiisani waxa uu i xasuusiyey maalmihii waddani lagu dhawaaqay ayaa waxa galay mujaahid weyn oo kulmiye xumeeyey Maxamed Cali Jidhif , dabadeedna anaga oo ka xanaaqsan ayaanu Cabdi Reygal Beegsi hotel guuleed kula kaftanay in uu mujaahidkayagii dham'ay ( dayoobay ) oo uu madaxtooyadii iyo kulmiye uu albaabka dambe ka soo galay mar haduu waddani galay.


Dabadeedna kaftan dheer oo aanu bun ku dul sheekaysanay ayuu nagu fahansiiyey waxii kala kulmay madaxweynaha maalintii lagu dhawaaqay iyo in ay qaabkan ay isticmaalayaan dan modeen si ay yoolkooda u gaadhaan...


Markaa Dr Gaboose imika wadadan uu qaaday dan ayuu mooday e ma laga yaabaa in uu ururkiisa kula soo bixi karo si mar uun uga mid noqdo sadexda xisbi qaran ee tobanka ( 10 ) sanadood ee soo socda si uu fursad ugu helo in uu mar uun u tartamo madaxwaynaha qaranka jamhuuriyada Somaliland.


Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...