Cabsi Gelin Iyo Hanjabaad Qaran Laguma Maamulo

0
Thursday May 26, 2022 - 10:40:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabsi Gelin Iyo Hanjabaad Qaran Laguma Maamulo

    Madaxweyne cimriga iyo caafimaad kaba ALLE ha kuu siyaadiyee.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne cimriga iyo caafimaad kaba ALLE ha kuu siyaadiyee.

Bilaa calaykum waad ogayd una soo joogtay Farmaajo wixii ka raacay doorasho xilligeeda ku qabo laga baryayay muddo.



Haddaba Madaxweyne intaas cashar kuugu filan, ee sidii Madaxweyne yaashii kaa horeeyay yeeli jireen khaas ahaan Aabihii Dimuquraadiyadda Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo kale  inaad ka sii sareyso oo magac iyo mahadho taariikhda kuu gasha aad jiilka soo socda uuga tagto qorshaheedaa lagaaga fadhiyaa.


Kala Qeybsanaanta siyaasadeed dal iyo dibadba wey saamaysay tusaale waxaa kuugu filan heerka ay marayso qaadhaan uruurintii suuqa waaheen ee qurbo joogtu.


Waxaan ka digayaa Mudane Madaxweyne in inta kugu dhadhow kugula taliyaan waxaanay faa’iido  uugu jirin.


1. Dantaada shaqsi Siyaasadeed.

2. Danta Dalka iyo

3. Danta shacabka Somaliland


Oo hadhaw wixii ka dhasha adigu massuliyadeeda aad yeelaynayso wanaageeda iyo xumaanteedaba oo aanay cidi kula wadaagayn.


Midna waxaan leeyahay dadkan saxaafada qaabka daran wax uugu tabinaya Sidani aad wax u wadaan maaha sidii la yaqaanayee bahasha qori isku dhiibka aynu uugu caano maalnay.


Ee Shiciboow aynu u Kala baxno SAAMILEYDA SIYAASADEED EE DALKA inaga door kuma lihin xaaladda halka ay maanta taagan tahay bes inaga maalinkeenu waa maalinta FARTA Khadka aynu gashan doono.


Xaaji Liibaan Ismaaciil

Ireland || Dublin

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...