Fifa Oo Baadhis Ka Dalbatay Kooxda Manchester City Iyo Jawaabta Maamulka Kooxdu Ka Bixiyey

0
Friday March 08, 2019 - 00:45:23 in News by
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fifa Oo Baadhis Ka Dalbatay Kooxda Manchester City Iyo Jawaabta Maamulka Kooxdu Ka Bixiyey

    Fifa Oo Baadhis Ka Dalbatay Kooxda Manchester City Iyo Jawaabta Maamulka Kooxdu Ka Bixiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fifa Oo Baadhis Ka Dalbatay Kooxda Manchester City Iyo Jawaabta Maamulka Kooxdu Ka Bixiyey

Kooxda difaacanaysa Horyaalka dalka Ingiriiska ee Manchester City ayaa ogolaatay baadhis dhinaca maaliyada ah oo ururka Fifa hore uga dalbaday.


War saxaafadeed ka soo baxay kooxda Man City ayaa lagu sheegay in kooxdu soo dhawaynayso baadhista ay dalbatay Fifa, waxaana lagu yidhi "Manchester City waxay soo dhawaynaysaa in la furo baadhis caadi ah oo Fifa samaysao taas oo ay u aragto fursad muhiim ah oo lagaga gudbi karo ciwaanada sida sharci darada ah loo jabsan jiray.”

War ka soo baxay kooxda Manchester City ayaa intaas ku daray "Dacwada ku saabsan dhaqaale xumi soo wajahday kooxdu waa mid been abuur ah, xisaabaadka daabacan ee kooxduna waa mid buuxa kaas oo ah mid sharci ah iyo kayd si sharci ah loo ilaaliyey.”

Warsaxaafadeedka kooxda Man City ayaa u muuqda mid ay maamulka kooxdaasi si cad ugu beeninayaan warar hore oo laga baahiyey.



Loading...
Loading...