Beesha Isaxaaq Carre Oo Luuqad Adag Kula Hadashay Muuse Biixi
Hargaysa (HWN) Beesha Isaxaaq Carre ama Beesha Bariga Hargaysa ayaa maanta kahadlay xaalada dalku ku jiro iyagoo sheegay in haddii afar iyo sagaashankii ay ka hadheen tolkood ayna maanta ka hadhayn "1994 kii hadaanu tolkayo ka hadhnay maanta maalintii maaha anaga ayaana ugu horaynayna midhkaas tolku hagu biyo cabo wax jindagaagay oo ka daba niicleeya ama ka daba hadlayaana majiro”.
Sidoo kale kulanka maanta Beesha Isaxaaq Carre ku yeelatay Hargaysa ayay usoo jeediyeen in Cali Waracade uu joojiyo hawlaha uu ka dhexwado Tolka "waxay isla qaateen cali warancade saacada hada laga bilaabo inuu ka dhex baxo hawlahan uu ku jiro hoosaasintana uu tolka ka daayo”!
Ugu dambayntii waxay waxgaradkani usoo jeediyeen Beelwayta Garxajis inay udiyaar garoobaan isbadalka laga hirgelinayo dalka, si adagna looga horyimaado ficilo guracan oo ay sheegeen in xukuumada Muuse Biixi ku hawlantahay.


0 





