Shirkii Kulmiye Ee Faanka, Beenta Iyo Naxliga Xambaarsanaa.

0
Wednesday May 25, 2022 - 11:41:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Kulmiye Ee Faanka, Beenta Iyo Naxliga Xambaarsanaa.

    Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin wuxuu yidhi "Maxay u sheeganayaan gobanimo aanay lahayn".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin wuxuu yidhi "Maxay u sheeganayaan gobanimo aanay lahayn".

 Wuxuu kaloo yidhi ” Waligood kamay soo qeyb gelin 18 ka may,  anigoo weliba 8 sanadood, sanad kasta ku casuumayey”.

 

 Dadka reer Somaliland,  wey maqlayeen, weyna arkayeen  sheegashada Samaale iyo Kaahin,  gobanimo iyo faan aanay lahayn.

 

Shirkii Kulmiye, wuxuu ina geeyey 1994, wuxuuna ahaa UFO roob ka soo horeysa.   Waxay 45%  shacabka Somaliland ku sheegeen  ” Somaliweyn”.

 

Sida aan wada ognahay, labada Xisbi mucaarid,  doorashadii Madaxtooyada waxay heleen  codka shacabka Somaliland 45%.  Doorashadi golaha wakiiladana waxay heleen aqlabiyada golaha wakiilada 52 mudane baarlamaan oo u dhiganta 60.5% golaha.  Waxay kaloo ku guuleysteen Mayarada inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka oo caasimadu ku jirto.

 Taas macnaheedu soo ma aha in ku dhawaad Nus shacabka Somaliland,  Kulmiye u aqoonsanyey Somaliweyn?.

Markii masuuliyiinta Kulmiye Nus dadka Somaliland caayayeen, u hanjabayeen oo Somaliweyn ku shaanbadeynayeen, waxaan eegayey dareenka madaxweyne Muuse,  waxa ii muuqanayey madaxweynaha oo sacabka xoog u garaacaya oo qosol illaa gowska dembe muuqdo.

HADABA MUXUU AHAA UJEEDKA SHIRKU ?

 

1.      Si doorasho hadalkeeda loo dhigo, in Xisbiyada mucaaridka kaadhka laga gubo oo  federaal doon lagu tilmaamo.

 

2.      In beesha taageerada ugu badan siisa Xisbiyada mucaaridka (Beesha Garxajis) lagu shaambadeeyo Somali weyn sidii 1994,  si beelaha kale ee Somaliland looga horkeen,  kadibna dhiigooda loo baneysto, waana ujeedka laga lahaa Silaanyo ayaa la caayey.

 

Labada kaligood mujaahid (Muuse iyo Kaahin), waxay 1994 madaafiic la dhaceen guryihii Lixle, Maxamed Cali, in Koodbuur iyo  ina Mire Maxamed Nuux,  hadana waxay markasta ka hadlaan halgan iyo hebel dalka tacab ma gashan.

 

Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay, dib ha ugu noqon taariikhdaadii madoobeyd ee 1994.

 

Dalka Zimbabwe, waxa gumeystihii ka xoreeyey Robert Mugabe oo in ka badan 10 sanadood halgan duurka ugu jirey.

 

Robert Mugabe, markuu xukunka qabtey, wuxuu markiiba madfaca ku jeediyey saaxiibkiisii mudada dheer halganka kula jirey ee Joshua Onkoma.  Wuxuu isu bedelay dikteytar aan doorasho iyo dimoqraadiyad midna ogoleyn. Waad ogtahay in isaga iyo dalkiiba isla dageen.

 

 Robert Mugabe, waxaa la sheegaa inuu dilay in ka badan 250,000 oo qof ee dadkii uu u soo dagaalamayey ah ee reer Zimbabwe. Magaciisa in la soo qaado maanta wey ka faanaan dadkii uu u soo dagaalamayey in ka badan 10 sanadood.

 

Hadaba, Madaxweyne Muuse, waxaan kula talinayaa, dalku waa curdin, dadkuna waa baahanyey ee ha galin fidno iyo qax laga baaqsan karo ee dalka doorasho geli.

 

 Haddii kale,  waxaad noqon doontaa Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu ugu dhacaa.

 

Shacabka reer Somalilandna waxaan leeyahay, xusuusta maahmaahda tidhaahda mar i dagi Alle ha dago, mar labaad i dagana anigaa is dagay.

 

BY. [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...