Wasiir Beyle oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

0
Wednesday May 25, 2022 - 11:39:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya



Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Dowladda UK oo kala ah Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho Kate Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.


labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya.



 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyinta uu la kulmay taageerada dowladda Uk ay siiso Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan.


Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay wadaa dadaal ku aadan sidii deymaha looga cafin lahaa, waxaana jira dalal dhowr ah oo deymaha ka cafiyay Soomaaliya halka kuwo kale ay qorsheeynayaan.


Dowladda Cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan wada-hadallo la biloowday Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka sida ey’adda IMF, Bangiga Adduunka & Bangiga Horumarinta Afrika.

Loading...
Loading...