Somaliland iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Adeegyada Boosta Caalamiga ah

0
Wednesday May 25, 2022 - 11:12:01 in News by A. Asbaro
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Adeegyada Boosta Caalamiga ah

    Somaliland iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Adeegyada Boosta Caalamiga ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Adeegyada Boosta Caalamiga ah



Hargeisa(HWN):-Dowladaha Somaliland iyo Kenya, ayaa toddobaadkan kala saxeexday heshiis is-faham oo labada waddan isaga kaashanayaan Isdhaafsiga Xogaha iyo nidaamka Caalamiga ah ee wax laysugu diro Adeegga Boostada.


Heshiiskan ayaa Somaliland u suurta-galinaya inay si toos ah ugu xidhanto nidaamka Caalamiga ah ee Dirista iyo Geynta Alaabooyinka laysugu gudbiyo Boostada maadaama Dalka Kenya ka mid yahay ururka Caalamiga ah ee adeegga Boostada, waxaana si wada-jir ah uga wada-shaqaynaya Wakaaladda Boostada Kenya ee PCK iyo Adeegga Boostada ee Somaliland oo labadooduba ka tirsan Wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Technolojiyadda ee labada waddan.


Munaasibad loo qabtay saxeexa heshiiska oo ku qabsoomay magaalada Nairobi waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Xidhiidhka teknoolajiyadda ee Kenya Joe Mucheru iyo ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Kenya, Danjire Sharmarke Geelle.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Kenya, waxa qodobbada heshiiska ka mid ah inay labada waddan iskaashadaan Dirista alaabaha lagu diro adeegga Boostada iyo Xog-isdhaafsiga macluumaadka gaarka ah ee laysugu gudbiyo khadka internetka iyo sidii wada-jir loogu hirgelin lahaa Xarumo lagu kala saaro Alaabaha la dirayo iyo kuwa la soo diray.

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee Kenya Danjire Sharmarke Geelle, ayaa sheegay heshiiskani suuro-galinayo in dalka Kenya noqdo albaabkii ay Somaliland kaga xidhmi lahayd Caalamka.

Wasiirka Wafaafinta iyo Teknoolajiga Kenya ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo is-dhex-galka dalalka Bariga Afrika, adeegga Boostaduna ka mid yahay Isku xidhka ugu muhiimsan ee isu-socodka Ganacsiga.

Baahida adeegga Boostada ayaa sii xoogaystay saddexdii sanno ee u dambeeyey oo Cudurka Covid-19 saamayn ba’an ku yeeshay Xidhiidhka Ganacsiga Caalamka iyo isu-socodka badeecadaha xuduudaha isaga gudba, taas oo dhiirri-gelisay nidaamka ganacsi ee Alaabaha lagu iibiyo ama laga dalbado khadka Internetka isagoo qofku gurigiisa jooga.

Xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u hawl-galisay Adeegga Boosta ee Somaliland sannadkii 2019-kii, iyadoo wasaaradda Wasaaradda Isgaadhsiinta, Boostada iyo Teknoolajiyadda ee Somaliland heshiis kan la mid ah la gashay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technolajiyadda ee Somaliland Dr Cabdiwali Suufi Ibraahim, ayaa tiraba laba wakhti oo kala ah Bishii March iyo bishii September ee sannadkii 2019-kii socdaal ku tagay dalka Jabuuti, waxaanu heshiis khuseeya iskaashiga dhinacyada isgaadhsiinta iyo Boosta la saxeexday dhiggiisa dalka Jabuuti.

Loading...
Loading...