"Xukuumaddu waxayna gacanteeda ku qaban karin, eedeeda ma qaadi doonto" Mustafe Cagjar

0
Wednesday May 25, 2022 - 11:05:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumaddu waxayna gacanteeda ku qaban karin, eedeeda ma qaadi doonto" Mustafe Cagjar

    Madaxwayne Mustafe cagjar " Xukuumaddu waxayna gacanteeda ku qaban karin, eedeeda ma qaadi doonto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Mustafe cagjar " Xukuumaddu waxayna gacanteeda ku qaban karin, eedeeda ma qaadi doonto"


Hargeisa(HWN):-Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay arrinka dadku la wareersan yihiin ee Sicir bararka maciishada, waxa uu sheegay inay arrintani ay tahay mid ka timid qiimaha maciishadda adduunka oo korodhay, oo aysan dowladdu waxba ka qaban karin, iyo dhibaato ka timid dhanka sicirka dollarka , oo xalkeeda ay u taallo Bangiga dhexe iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.



" Maadaama aan qiima kaca adduunka wax ka qaban karin, maadaama sarrifka dollarka isna aanan wax ka qaban karin, xukuumadda waxa kaliya ee la gudboon waa inay wax ka qabataa saameynta ka dhalan karta arrinta sicir bararka, oo ah cunto yaraan, dadka danyarta ah oo baahi cunto lasoo deristo iyo dhaqaalaha oo hoos u dhaca", ayuu yiri Madaxwayne Mustafe cagjar.

Waxa kale oo uu sheegay Madaxwayne Mustafe cagjar in haddii loo baahdo la xiri doono Bangiyada ku yaal magaalada Wajaale ee ku taal xadka degaanka Soomaalida iyo Somaliland, si wax looga qabto sicir bararka degaanka ka jira.

Ugu dambayn Madaxwaynuhu waxa uu xusay dhawr arrimood oo wax lagaga qaban doono saamaynta ka dhakan karta sicir bararka maciishada, kuwaas oo kala ah, In la kordhiyo barnaamijka quudinta dadka danyarta ah, deeq bixiyayaasha caalamkana lagu qanciyo inay korodhay tirada dadka cunada u baahan ee degaanka Soomaalida, iyo in lacag dheeraad ah ay degaanka soogasho si dadka loo siiyo, maadaama maciishaddii korodhay.

Sicir bararka ka jira dowlad degaanka Soomaalida ayaa muddooyinkan dambe waxa uu noqday mid xadhkaha goostay, iyadoo xukuumadduna ay sheegtay inaysan waxba ka qaban karin arrimaha Sicir bararka, balse la xallin karo saameynta ka dhalan karta Sicir bararka.

Iyadoo sidoo kale uu Sicir bararku uu saamayn ku yeeshay dadkii danyarta ahaa oo markii horeba la kacaa kufayay nolol maalmeedkooda caadiga ah, iyadoo Sicir bararka maciishaduna ay noqotay waxa kaliya ee maanta ka guuxaya qof walba oo ku nool dowlad degaanka Soomaalida.

Loading...
Loading...