Abwaan Talo Usoo Jeediyay Xisbiyada Mucaaradka Iyo Xukuumada

0
Wednesday May 25, 2022 - 10:38:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Talo Usoo Jeediyay Xisbiyada Mucaaradka Iyo Xukuumada

    "waxaan soo jeedinayaa in loo saaro guddi farsamo oo isku dhaf ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan soo jeedinayaa in loo saaro guddi farsamo oo isku dhaf ah"

Hargaysa (HWN) Abwaan Yuusuf-shaacir ayaa soo jeediyay in gudi iskugu jirta baarlamaanka iyo xisbiyada loo saaro Khilaafka ka dhextaagan mucaaradka iyo Xukuumada Somaliland



Abwaanka ayaan intaasi ku daray in gudidaasi marka ay isa eegaan waxa laisku hayo inay ula soo noqdaan Madaxwaynaha iyo madaxda Xisbiyada

 

"TALO SOO JEEDIN.

Khliifkan siyaasiga ah ee hadda taagan si loo soo af-jaro waxaan soo jeedinayaa in loo saaro guddi farsamo oo isku dhaf ah.Kuwaas oo ka kala imandoona sadexda xisbi Guurtida iyo wakiillada.Guddidaasay waxay lafa-gur iyo daraasayn ku sabayn doontaa arrimaha laysku hayo marka ay soo bisleeyaana waxaa isu iman doona Madaxwaynaha iyo madaxda asxaabta si ay u dhammeeyaan wixii hadhay una saxeexaan” ayuu yidhi Abwaan Yuusuf-shaacir


Khilaafka ka dhextaagan xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumada ayaa meel adag maraya kaasi oo sababay in waxba la isku fahmi waayo kulankii xalay dhexmaray labada dhinac

Loading...
Loading...