Muxuu Yahay Qorshaha Qarsoon Ee Muuse Biixi La Damacsanyahay Mucaaradka?

0
Wednesday May 25, 2022 - 10:06:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Qorshaha Qarsoon Ee Muuse Biixi La Damacsanyahay Mucaaradka?

    "Qaar ka mid ah dadka ka ag dhadhaw madaxwaynaha ayaa laga soo weriyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qaar ka mid ah dadka ka ag dhadhaw madaxwaynaha ayaa laga soo weriyay"

Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in Muuse Biixi doonayo inuu xisbiyada Mucaaradka Somaliland ku cadaadiyo inay muddo kordhin usameeyaan isna uu ogolaado markaasi in la soo horaysiiyo doorashada Madaxtooyada.



Siyaasi Cali Guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

MUGGII WEEL MA DHAAFO EH ALLOW MOOSKA YAAN JEBININ

  Sanadkii hore intaanu dhamaanin Madaxwaynaha Somaliland wuxu sheegay uu ku celceliyay  in sadexda doorasho ee wakhtiyadoodu ay sanadkan gudihiisa yihiin sadexduba ay wakhtiyadooda ku qabsoomayaan, sida ay u kala horeeyanna loo kala hor qaban doono, taasina isaga xagiisa ay ka go’an tahay.


Maanta oo sanadkii ay shan bilood tegeen waxa muuqata in madaxwaynaha xagiisa ay wax iska bedeleen. Waayo cirridka aan arkayo ilko kama soo jeedaan. Madaxwaynuhu sida uu wax u wado markaan eego, iska daa sadex doorasho eh lagama yaabo in hal doorasho ay qabsoonto sanadkan gudihiisa. Doorashads madaxtooyada oo iyadu ahayd ta keliya ee saamilaydu (stakeholders) wakhti hore isla wada ogolaadeen, wax kasta oo lagu qaban lahaana diyaarka u ahaayeen ayaa ugu dhawayd ilaa haddana ugu dhaw in ay qabsoonto balse iyadii ayaaba halis ku jirta oo laga yaabaa in aanay qabsoomin ee maxaabad tu kale ka sheegi oo la og yahay xeer ahaan iyo xili ahaan iyo xataa kharash ahaan midna diyaar u ahayn.


Sida muuqata in doorashada madaxtooyada ee dastuuriga lagu dilo xeer Baarlaman oo hadda la soo dhoodhoobo ayaa ah qorshe socda iyo talada uu hadda wado Madaxwayne Muuse. Ilaa hadda lama oga waxa uu arinkan uga jeedo balse waxa hubaal ah in uu muraad gaar ah ka leeyahay kol ay ka tahay cadaadis uu doonayo in uu ku saaro labada xisbi ee mucaaridku in ay ka ogolaadaan in dib loo dhigo doorashada madaxtooyadda labada doorashana loo kala horqabto sida ay u kala horeeyaan oo ta Madaxtooyadu soo horayso. Taas oo markaa noqonaysa in labada doorashoba ay dib uga dhacaan xilyadoodii November iyo December


Qaar ka mid ah dadka ka ag dhadhaw madaxwaynaha ayaa laga soo weriyay in muddada uu doonayo in dib loo riixo Doorashada Madaxtooyadu aanay badnayn ee la filayo in ay tahay bilo (7 ilaa 12 biloo) iyaga iyo Allahood eh. Markaa qiyaastii waa waa in ay qabsoonto May ilaa November 2023. Hadda waa war warkii ee maaha xog rasmi ah


Hadii taasi aanay jirin waa ka sii daran oo soomaalidu waxay tidhaa "hadii dabasaarta foodsaar loo rogo aqal kuma dhismo” Waxa ka dhigan doorashada xisbiyada/ururada ee December ha laga soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada ee November. doorasho markaa qabsoomaysaa ma jirto waayo maaha wax suurogeli kara ama la isla ogolaan karo maaha .


Xisbiyada mucaaridku ma diidana xaqna uma laha in ay diidaan furista ururada siyaasadda. khilaafku halka uu ka jiraana maaha halkaa iyo "ururada waa la furayaa iyo la furi maayo” sida dadka qaar loogu dhigo, waxa la isku hayaa sharci ahaan goorma ayay sadexdan xisbi tartan la geli karaan ururo siyaasadeed ee sadexda ugu sareeyaa ay noqonayaan xisbiyo qaran? Kolka run la doonayo sadexdan xisbi waxa  shahadadaha xisbinimada la gudoonsiiyay 26 December 2012kii. Sidaa daraadeed ururada cusub iyo sadexdan xisbi waxay tartan geli karan bisha December( tobanka cisho ee ugu dambeeya),  si sadexda ugu sareeya shahaadadaha loo guddoonsiiyo 26 December 2022.


Hawlaha la xidhiidha ururada inta ugu badan waxa masuul ka ah Guddida Diiwaangelinta ururada siyaasadda wax badan ayaanay gudfidu ka sii qaban karta ka hor Doorashada Madaxtooyada, sida diiwaangelinta, la socodka hawlaha ururada si ay u huboyaan una qiimeeyaan ururada buuxiyay shuruudaha ururnimada, soo saarista liiska kama dambaysta ah ee buuxiyay shuruudihii looga baahnaa oo dhan. Intaas oo dhan marka ay guddidu qabato halkaa ma dhaafi karto waayo waxa u hadhdan doorashadii ay kula tartami lahaayeen sadexda xisbi taasina waa hawl Komishanka Doorashooyinka u taala ee iyaga uma taal, waxanay noqonaysaa uun dabcan marka Komishanku ka faraxasho doorashada madaxtooyada Komishanka ayaana cayimaya taariikhda iyagoo sharciga raacaya.


Qofkii isagu been isku maaweelinayaa ha isku maaweeliyo dadka inta uu ku maaweelin karona ha ku maaweeliyo. Anigase waxa la iga qorayaa doorashada madaxtooyadu hadii ay qabsoomi waydo doorasho kalena Somaliland kama qabsoomi doonto ee ku biyo cab ku seexo oo ku soo toos. Wixii kaleba waa ila meerayso iyo wakhti lumis dalka ka abuuri doona khilaaf siyaasadeed oo aan runtii la garan karin halka uu inala gaadhi doono iyo khadaaraha ka dhalan kara.


Wax kasta oo dhaca iyo dhibaato kasta oo ka dhalata waxa masuul ka ah oo dummadiisa ay tahay Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha JSl oo aan leeyahay:

NIN DHARKAYN MUDMUDAY HOOSNA MARAY MURUX INSHA ALLEEYE

MUGGII WEEL MA DHAAFO EH ALLOW MOOSKA YAAN JEBININ


ELECTION WATCH

CALIGUREY

Loading...
Loading...