Aabo Laba Wiil Oo Uu Dhalay Dilay Iyo Sababta

0
Wednesday May 25, 2022 - 09:50:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabo Laba Wiil Oo Uu Dhalay Dilay Iyo Sababta

    "Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah"

Taliska booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo dil ah oo nooceeda uu dhif yahay, taasoo ku saabsan nin carruurtiisa dilal u gaystay.



Falkan oo ay saraakiisha booliska ku tilmaameen mid naxdin leh ayaan la ogayn sababta rasmiga ah ee keentay, inkastoo la isla dhex marayo in uu jiray khilaaf u dhaxeeyay ninka carruurta dhalay iyo xaaskiisa.


Carruurta la dilay ayaa ahaa labo wiil oo ay da'doodu ka yarayd 12 sano.

Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, oo BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay lasoo wargeliyay kaddib markii carruurta la waayay.


"Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah, ayaa dilay labo ciyaal ah oo uu dhalay oo midna uu yahay 10 jir midka kalena yahay 11 jir, laguna kala magacaabo Idiris iyo Sakariye," ayuu yiri taliyaha.


Ninka dilka carruurtiisa ku eedeysan ayaa falkan ku gaystay guri uu magaalada Gaalkacyo ka daggan yahay,  Carruurta oo markii hore ay hooyadood haysatay ayuu ka codsaday inuu geeyo xarun waxbarasho oo kuleej ah, sidaasna loogu oggolaaday inay raacaan.


Waxaase la rumaysan yahay in isla maalintii uu kaxeeyay gudaheedaba uu labada wiil ku dilay gurigiisa.

Taliye Muumin ayaa sheegay in ninka aysan ku ogayn wax xanuun ah balse guriga uu falka ka dhacay laga helay maandooriyeyaal.


"Caafimaad darro noogama muuqanin laakiin waxaa jiray maandooriyeyaal xad dhaaf ah oo ay ciidanka soo qabteen, oo xashiish iyo khamri ah, waxaana aaminsan nahay in daroogada ay sababi karto."

Dhowr jeer oo hore ayuu sheegay inuu xabsiyo soo maray, laguna yaqaannay inuu maandooriyeyaasha isticmaalo, dambiyo kalena uu horay u galay.


'Markii uu wiilasha dilay wuu seexday'

Taliyaha booliska ee la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ninka eedeysanaha ah. Waxa uu sidoo kale ka war bixiyay marxaladdii ay ugu tageen goobta.


"Boolisku markii ay guriga tageen waxay la kulmeen isagii oo qolka carruurta ku dilay qolkii kalena hurda. Waxaa loo tagay isagoo jiifa oo si caadi ah u hurdaya," ayuu yiri Muumin.


Waxaa hadda socda baaritaanno lagu hayo ninkan marka kiiskiisa la diyaariyana waxaa loo gudbin doonaa xabsiga, si maxkamadayntiisu ay u bilaabato.


Dhacdooyinka ku saabsan dilalka ka dhaca qoysaska dhexdooda ayaa ku yar Soomaalida, balse tani ma aha dhacdadii ugu horraysay ee nooceeda ah


Bishii November ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii ugu dambaysay ee lasoo tebiyo musiibo ku saabsan dilal loo gaystay dad isku qoys ah oo cidda falkaas gaysatayna ay ahaayeen isla xubno qoyska ka tirsan.


Askari ka tirsanaa booliska Soomaaliya ayaa markaas xaafad ka tirsan degmada Warta Nabadda ku dilay lix ruux oo qoyskiisa ah oo uu ku jiray wiil uu dhacay.


Waxaa kale oo dadka halkaas ku dhintay ka mid ahaa eedeysanaha waalidiintiisa iyo walaalihiis.

Ninka dilkaas argagaxa geliyay dadka deegaanka gaystay ayaa adeegsaday bambo gacmeed, waxaana lasoo tebiyay in isaga qudhiisa uu xilligaas isticmaalay maandooriye.

 

BBC

Loading...
Loading...