Cabdiraxmaan Cabdishakuur Xildhibaannimada Maku Waayi Karaa Xilka Loo Magacaabay?

0
Wednesday May 25, 2022 - 09:37:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur Xildhibaannimada Maku Waayi Karaa Xilka Loo Magacaabay?

    "Qodobka 59-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ayaa sheegaya waxa uu xildhibaanka ku waayi karo xilka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qodobka 59-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ayaa sheegaya waxa uu xildhibaanka ku waayi karo xilka"

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha u magacaabay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Balse arrintan ayaa dhalisay hadal hayn ballaaran iyo su'aalo la iska waydiinayay.



Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in murashaxii xilka madaxweynaha, ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, uu madaxweynuhu u magacaabay jagadaas "kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha."


"Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba," ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.


Howlaha uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur qaban doono inta uu xilkan hayo waxaa ka mid ah inuu heer qaran, heer gobol iyo caalami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha, isagoo hormuud u noqon doona isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.


Balse waxaa su'aalo la iska waydiiyay sida ay isu waafaqi karaan xilkan iyo midka xildhibaannimada baarlamaanka ee uu horay u hayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.


Sababta keentay su'aashanna waa in dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uu dhigayo in waxyaabaha uu xildhibaan kasta ku waayi karo kursigiisa ay ka mid tahay in uu aqbalo xil aan wasiirnimo ahayn.


Isla su'aashan waxaan u bandhignay Abuukaate Zakariye Yuusuf, oo ah aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga sharciga, ahna falanqeeye.


"Qodobka 59-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ayaa sheegaya waxa uu xildhibaanka ku waayi karo xilka, mana ku jirto in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu kursiga ku waayi karo howsha maanta loo xil saaray.


"Xafiiskan waa mid aan rasmi ahayn. Waa ergay, waxa uuna wakiil u yahay Madaxweynaha oo qof kasta wakiil ka dhigan kara, ha ahaado xildhibaan ama qof shacab caadiga ah ka mid ah. Waa xafiis aan maamul ku dhisnayn," ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf.


"Ergay afsoomaaliga waxaa lagu dhahaa qof la dirsaday oo arrin gaar ah loo wakiishay, ama arrin laga codsaday inuu dhexdhexaadis ka noqdo ilaa xad," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta hadal kasoo saaray warka kasoo baxay madaxtooyada, isagoo muujiyay inuu gudan doono howsha loo igmaday.


"Sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh mas'uuliyadda uu maanta ii igmaday waa mid samafal iyo tadhawuc ah, waqti cayimana leh oo loogu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax yeelleeyeen," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.


Muxuu dhigayaa qodobka 59-aad ee Dastuurka?

Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha keeni kara in uu mudane waayo xilkiisa baarlamaanka.


Sidoo kale isla qodobkaas gudihiisa ayaa lagu sharraxayaa tallaabada xigta iyo sida loo buuxin karo booskaas haddiiba ay dhacdo inuu xildhibaankii meesha ka baxo.


Qaybta hore ee qodobka 59-aad, oo qeexaysa sababaha xil waayidda ayaa dhigaysa in ilaa lix qaab lagu lumin karo kursiga.


1- Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:

  • Xubinta oo Geeriyoota
  • Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la'aaneed oo joogto ah.
  • Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
  • Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
  • Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
  • Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.

2- Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.


3- Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.

 

 

BBC

 

Loading...
Loading...