Car waa qofka innamadaa arka ee aan amakaagin!

0
Sunday June 02, 2019 - 01:55:36 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Car waa qofka innamadaa arka ee aan amakaagin!

    Hargaysa(HWN):-Wiilka hore haddii uu garnaqsado oo uu kula hadlo waad u garaabaysaa. Waa 25 jir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Wiilka hore haddii uu garnaqsado oo uu kula hadlo waad u garaabaysaa. Waa 25 jir.

Hargaysa(HWN):-Wiilka hore haddii uu garnaqsado oo uu kula hadlo waad u garaabaysaa. Waa 25 jir. Intii uu garaadsaday wuxuun buu u soo taagnaa iyadoo layska bahaysanayo, isagana la irdhaynayo oo layska xigsanayo. Wuxuu isweyddiiyaa "tolow waa maxay denbiga aad gashay?"

Adiga oo garnaqsigiisa garawsho u muujiyay haddana waxaad saluugaysaa sida uu tagtada u qoomamaynaayo ee aanu timaaddada qorshe cad uga lahayn. Waxa ku weyn in shalay laga hiiliyay laakiin marnaba isku taxallujin maayo in berri loo hiiliyo.


Marnaba qorshaha uguma jirto in berri uu hiil mutaysan karo haddii uu shalay illaabo oo uu berri dedaal sameeyo. Cajiib.

Inanka kale siduu u guulaystay ayuu la ashqaraarsan yahay. Wuu faraxsan yahay oo wuxuu ku jiraa dabbaaldeg. Isaga mooyaane cid kale ma baahna oo dan ma laha, waxna ma dheera oo wax kasta isagaa u baahan.

Halka ka hore qoomamaynayo in shalay laga hiiliyay kan laftiisuna inaa berri sii wada socotaan guushiisa uma arko . Waxa dhaqan u ah wadajir shuruud la'aan ah. Aragtidiisa iyo siduu u fikarayo iyo nolosha siduu u arko in loola arko ayuu jecel yahay. Cajiib.

Isku soo wada duuboo, waa isma dhaanto iyo dhasheed. Intaa waxa u dheer musdanbeedyadoodu wax aragti ah oo dad-iskuwad ah dhannaba kuma kordhiyaan.

Waxa se aawan markay arrimuhu sidaa noqdaan Alle bariga iyo ducada ayaa la badiyaa. Ilaahay bay wax waliba gacantiisa ku jiraane.

Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan

Hargeisa, Somaliland

Loading...
Loading...