Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo kulan xaasaasi ah yeeshay

0
Tuesday May 24, 2022 - 22:45:36 in News by A. Asbaro
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo kulan xaasaasi ah yeeshay

    Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo kulan xaasaasi ah yeeshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo kulan xaasaasi ah yeeshay


Hargeisa(HWN):-Waxaa goor-dhawayd xarunta madaxtooyada Somaliland kulan ku yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID.



Kulankan oo uu gogoshiisa fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa ay dhinacyadu kaga arrinsanayeen khilaafka doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan iyo furista ururada oo ay si weyn uga biyo diidan yihiin labada xisbiyada mucaradku.

Kulankan waxaa dhinaca mucaaradka uga qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani, sidoo kale waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo Xisbigiisa Kulmiye.

Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka, ayaa la filayaa inay hada la hadlaan warbaahinta, si ay faah-faahin dheeraad ah uga bixyaan kulanka caawa.

Xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa aad iskugu khilaafsan furista urrurada siyaasada ee wakhtigan, waxaanay ku doodayaan in doorashada Madaxtooyada oo ku beegan dhammaadka sannadkan la qabto, waxaanay Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada Xisbi, isla markaana uu u soo saari lahaa laba Xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.

Loading...
Loading...