Somaliland Oo Loogu Baaqay Inay Degdeg Usii Dayso Saxafiyiin Ay Xukuntay

0
Tuesday May 24, 2022 - 15:31:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Loogu Baaqay Inay Degdeg Usii Dayso Saxafiyiin Ay Xukuntay

    "aad ayaanu uga niyad jabsanahay xukunka adag ee lagu riday"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"aad ayaanu uga niyad jabsanahay xukunka adag ee lagu riday"

Hargaysa (HWN) Guddida Ilaalinta xuquuqda ee Saxafiyiinta ee CPJ ee xaruntiisu tahay Waddanka Mareykanka, ayaa sheegay in ay ka niyad jabsan yihiin xukunka lagu riday Weriyeyaasha Maxamed Cabdi Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed Xuseen, iyaga oo xusay in aanay dambi ahayn in laga warramo dhacdo wareed de deg ah oo goob ka dhacday.



Angela Quintal, oo ah xidhiidhiyaha barnaamijyada Afrika ee CPJ, ayaa sheegtay in aanay labadaas Weriye galabsan xukunka adage e lagu riday, isla markaana uu xukunkaasi dhaawacayo jewigii xoriyadda Saxaafadda ee Somaliland.


"Maxamed Cabdi Ilig iyo Cabdijabaar Maxamed Xuseen marnaba ma ahayn in lagu xidho in ay si fudud u tebiyeen warar de deg ah oo ku saabsanaa dhacdo dhacday wakhtigii loo baahnaa ee munaasibka ahayd, aad ayaanu uga niyad jabsanahay xukunka adag ee lagu riday” ayey tidhi Angela Quintal, oo tirsan CPJ


xidhiidhiyaha barnaamijyada Afrika ee CPJ, Angela Quintal, waxa ay ugu baaqday Xukuumadda Somaliland in ay su shuruud la’aan ah oo deg deg ah xoriyaddooda loogu soo celiyo Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Xuseen.

Dhinaca kale, Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xukunka lagu riday Weriyeyaasha Maxamed Ilig iyo Cabdijabaar Xuseen.


Wakiilka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Haweenayda lagu magacaabo Lizzie Walker, waxa kale oo ay xustay in aanu saxaafinimadu dembi ahayn, waxaanay soo jeedisay in Xeerka Saxaafaddu noqdo mid ilaalinaya xoriyadda Suxufiga iyo Saxaafadda,


 Hay’addaha u doodad Xuquuqda Suxufiyiinta ee Caalamka iyo kuwa Somaliland ayaa cambaareeyey xadhigga Labada Suxufi ee Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ku riday xukunka sannadka iyo afarta bilood ah.

Loading...
Loading...