Dowladnimadu Sidaa Maaha

0
Tuesday May 24, 2022 - 11:16:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladnimadu Sidaa Maaha

    W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

(Qudbadihii 20 guuradii Xisbiga Kulmiye,runtii waxay ahaayeen naf la caari iyo kala fogeynta bulshada reer Somaliland)

 

                                                                                   23.MAY 2022

Runtii waan daawaday dhamaan qudbadihii laga jeediyey xafladii 20 guuradii  Xisbiga Kulmiye,laakiin anigu aan hadda u aqaan (Xisbiga kala fogeeye).

 

Ragga goobta ka hadlay dhamaantood aqoon fiican Ayaan u leeyahay.

 

Ragga hadlay waxay isugu jireen saddex qayboo oo kala ah:- 

 

    Ragg xil ka haya Xukuumada hadda jirta,oo xilkooda ilaashanaya.

    Ragg xil doon ah,oo halgan ugu jira sidii ay xil uga heli lahaayeen Xukuumada sii socota.

    Ragg ay ku maqan yihiin Xoolo aad u badan oo dalka iyo dadka laga dhacay,kuna dadaalaya sii ay u qarin lahaayeen hantida ummadda ee ku maqan. 

Runtii hadaladii laga jeediyey xaflada 20 guurada Xisbiga Kulmiye(kala fogeeye) waxay  ahaayeen amase ay u ekaayeen, hadalo loo soo yeedhiyey,amase la soo xafidsiiyey,waxay ahaayeen hadalo xambaarsan Aflegaado,nacayb abuur iyo kala qaybinta bulshada Somaliland ee walaalaha ah.

 

Xisbiga Kulmiye (kala fogeeye),weligiiba  dhaqan  buu u lahaa Aflegaada,been abuurka iyo kala qaybinta  Shacabka Somaliland.Runtii waxaa meel walba laga heli karaa Aflegaado iyo Luqad fool xun oo Xisbiga Kulmiye(kala fogeeye) uu kula kacay Madaxweynayaashii dalka Somaliland soo maray,gaar ahaan C/Raxmaan Tuur-Ina Cigaal- Daahir Riyaalle iyo Ahmed Siilaanyo oo ahaa aasaasihii Xisbiga Kulmiye(kala fogeeye),way duuban yihiin dhowaanna waad arki doontaa iyagoo la soo ururiye,ha sugi waayina.

 

Hadaladii laga jeediyey xafladii 20 guuradii Xisbiga Kulmiye(kala fogeeye),waxaa ku cusbaa 2 arimood,oo  fagaarayaasha laga hadlo ee  Somaliland ku cusbaa,aniguna hore uma arag 2daa arimood,runtii waxay cadeynayaan tamar darada Xisbiga Kulmiye(kala fogeeye),runta markaan idiin  sheegona kama filaynin  mid ka mid ah,masuulinta Qaranka  uu ku hadlo erayadaas,                    2da arimoodna waxay kala yihiin:-

 

1.    C/Kariin Xinif oo ah shaqsi xil weyn ka haya Xukuumada Somaliland ,wuxuu goobta ka shiday CAJILAD,ay ku duuban yihiin hadalo uu yidhi C/Raxman Ciro,oo ahaa xilligaa Gudoomiyaha Xisbi mucarid ah ee WADANI,hadaladaasi waxay ahaayeen hadalo mucaarid,Kulmiye(kala fogeeye) wax ka xun ayuu odhan jiray,HADDA WIXII KA DAMBEEYA WAA INOO CAJILAD SOO QAADASHO.  

 

2.    Wasiirka arimaha gudaha Somaliland,ahana Gudoomiye ku xigaanka 1aad ee Xisbiga Kulmiye(kala fogeeye),wuxuu goobta ka sheegay hadalo ay is yidhaahdeen  ISAGA IYO FAYSAL CALI WARAABE-Gudoomiyaha Xisbiga UCID.Runtii waan ka naxay sababtoo ah marka aad masuul tahay,waxa lagu wado shirarka waa SIR Qaran,mana aha in wixii masuulinta qaranku ku wada hadleen aad goobtaas oo kale la timaado. Hadda wixii ka dambeeyana waxba inoo qarsoodi noqon maayaan.Ceeb iyo meel ka dhac MASUUL Ayaan u arkaa anigu,waa wax inagu cusub. MAXAMED KAAHIN MIYUU ILAAWAY IN UU MASUUL QARAN YAHAY, OO  WELIBA SHAQSIGA 3 AAD U YAHAY XUKUUMADA,SIR BADANNA UU AHAYO,MISE XISBINIMADII BAA KA XOOG WEYNAATAY.(MA FAHMIN WAXA KU KELIFAY WIXII SHIRKA LAGU WADA HADLAY IN HALKAA KA SHEEGO)

 

Hadal iyo dhamaan,Dowladnimadu sidaa maaha,Somaliland waxay u egtahay in ku socoto  WADO QALAD AH.

 

Hadaladii Xisbiga Kulmiye ee 20 guuradii,waxaa ka buuxay Aflegaado, kala qaybin bulsho,baqdin xoog leh,cadho iyo deganaan la,aan aad u weyn.

 

 

 

ALLAA.              MAHAD        LEH

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...