Maxay Garsoorka Somaliland War-Baahinta Ugu Adeegsadaan Xeerka Ciqaabta Soomaliya, Iyadoo Uu Jiro Xeerka Saxaafada Somaliland?.

0
Tuesday May 24, 2022 - 10:16:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Garsoorka Somaliland War-Baahinta Ugu Adeegsadaan Xeerka Ciqaabta Soomaliya, Iyadoo Uu Jiro Xeerka Saxaafada Somaliland?.

    W/Q- Mohamed Bashir Nuur Giriig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q- Mohamed Bashir Nuur Giriig

Saxaafaddu waxay leedahay xeer u gaar ah oo maamula saxaafadda. Mana aha in lagu qaado saxaafadda xeer kale iyada oo uu dhaqangal yahay xeerkii saxaafaddu.



Xeerka Ciqaabta waxa la sameeyey 1962dii. Sida ku cad qodobka 130(5) ee dastuurka, Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore ee aan ka hor imanayn xuquuqaadka iyo xoriyaadka asaasiga ah. Sidaasdarteed, maadaama oo qodobada Xeerka Ciqaabtu ay yihiin kuwo aan la jaan qaadi karin xoriyaadka aasaasiga ah, waxay tahay in loo raaco dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Xeerka Saxaafadda.


Xoriyadda saxaafadu waa mid dastuurku damanad qaaday sida ku cad qodobobka 32 (3) oo reebaya fal kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda. Xeerka Saxaafaddu waa xeer gaar ah oo ka leh mudnaan xeerka guud.


Maadaama: uu Dastuurka JSL leeyahay sarraynta uu kaga sarreeyo dhamaan shuruucda oo dhan sida uu dhigaayo qodobka 128 ee Dastuurka JSL, isla markaana dastuurka nuxur ahaan iyo qoraal ahaamba laga fahmaayo ilaalinta iyo ballaadhinta xorriyada saxaafada iyo hal-abuurka.


Maadaama: uu Dastuurka JSL uu ku sheegay Qodobkiisa 32-aad Faqradiisa 3-aad in Xeer nidaamin doono Hawsha Saxaafadda, Xeerkaasna uu yahay --- Xeer No: 27/2004, kaasoo yeelanaaya awooda sarraynta uu kaga sarraynayo sharciyada kale oo dhan.


Maadaama: Dastuurka JSL qodobkiisa 130, faqradiisa 5aad uu dhigaayo in xeerarkii hore u jiray lagu dhaqmaayo, marka laga reebo kuwa ka hor imanaaya shareecada Islaamka iyo xorriyaadka asaasiga ah.


Maadaama: Xeerka Saxaafada JSL No: 27/2004 uu ku sheegaayo qodobkiisa 31aad sidan:

Xeer kasta, sharci kasta, wareegto kasta iyo amar kasta oo khilaafsan ama ka hor imanaya xeerkan way burayaan marka xeerkani dhaqan galo.


Maadaama: Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda aadamaha (Universal Declaration of Human Right) ee uu aqoonsan yahay dastuurkeenu sida ku cad qodobka 10aad/2aad, uu dhigaayo qodobkiisa 19aad in xorriyatul qawlku tahay arrin ixtiraam mudan oo aanay bannaanayn in la cabudhiyo.


Ugu danbayn qodobada ((268, 321, 328, 451, 452) Ee Xeerka Ciqaabta Guud)) waa khilaafsan yihiin dastuurka Somaliland iyo xeerka Saxaafada ee ka hoos dhashay dastuurka.


W/Q- Mohamed Bashir Nuur Giriig

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...