Kooxda Liverpool Oo Dhigeeda Tottenham Ka Horqaaday Champion League Iyo Tirada Goolal Ay Kaga Talaabsatay+Sawiro
Kooxda Liverpool ayaa markii lixaad ku guulaysatay koobka qiimaha badan ee horyaalka kooxaha yurub ee Champion League.
Kooxda Liverpool oo ay ciyaartii ugu dambaysay isku wajaheen dhigeeda Tottenham ayaa kaga talaabsatay laba gool iyo waxba ay guushu ku raacday ciyaar ka dhacday magaalada Madrid ee wadanka Spain.
Hogaamiyaha kooxda Liverpool Mahamed Salah ayaa daqiiqadii 2aad ee qaybtii hore ee ciyaarta furay goolasha kooxda Reds ka dib markii uu gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa ka dib markii uu ciyaaryahanka Sisoko gacanta ku dhuftay kubad uu soo karoosay weeraryahanka Mane.
Weeraryahanka Divock Origi oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa daqiiqadii 87aad goolka labaad u dhaliyey kooxda Liverpool, iyada oo ay guushuna ku raacday laba gool iyo waxba.
Liverpool ayaa markii 6aad u dabaal dagaysa ku guulaysashada koobka dhagaha waa weyn ee ay ku tartamaan kooxaha yurub ee Champion League.