Ujeedooyinka Khariiddadii Muujinaysay Somalia Iyo Itoobiya Oo La Isku Daray Somaliyana Ay Tahay Qayb Ka Mid Ah Itoobiya.

0
Saturday June 01, 2019 - 22:43:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedooyinka Khariiddadii Muujinaysay Somalia Iyo Itoobiya Oo La Isku Daray Somaliyana Ay Tahay Qayb Ka Mid Ah Itoobiya.

    Cabdinasir Hassan Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdinasir Hassan Muhumed

                                                                                      9/05/2019

                  Hordhac

Todobaadkii ugu dambeeyey bishii shanaad ee sandkan, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itobiya waxay ku baahisay mareegteeda sawir khariidda Afrika ah oo muujinaya Somalia iyo Itoobia oo la isku daray. Sawirkaasi waxa uu astaynayey koonfurta Somaliya oo ka mid ah Itoobiya iyo Somaliland oo goonideeda ah. Khariidadan waxay yaab ku noqotay muranna ka dhex dhalisay guud ahaan dadka Somalida ah. Dadku waxay is waydiinayaan su’aalo kala duwan oo ay ka mid yihiin:  waa maxay sababta ay Itoobiya u baahisay khariiddadan amaba u samaysatay? Maxay uga reebtay Somaliland; tolow miyey kala kala dhawaysanaysaa? Itobiya maxay ka rabtaa Somalia? Sidaa daraadeed maqaalkeenan gaaaban waxaan kaga jawaabi doonaa su’aalahaas oo aynu u falanqayn doono si cilmiyeysan. Waxa kale oo aan maqaalkan kaga jawaabi doonaa bal hadiiba ay Itoobiya qabsan karto Soomaaliya?  Maqaalkan oo aan ugu talo galay in ay akhrisan cid walba, hadana cida uu ku socdaa waa ardayda jaamacadaha dalka ee ee barta Siyaasadda Dunidda iyo Xidhiidhka Caalamiga, aqoonyahanka siyaasiyiinta iyo cid kasta oo danaynaysa siyaasadda Soomaaliya.



Arragti Aqooneed (Theory)/Realism Theory

Si ay inoogu suurto-gasho inay si cilmiyeysan u falanqayno su’aalahan waxaynu u baahan nahay inaynu adeegsano Arragti aqoon (Theory). Arragtiyaha siyaasadda aduunka waxaan ugu jeclahay ‘Realism theroy’ wayo waa Arragti Aqooneed ku dhisan xaqiiqada. Sidaa daraadeed waxa ila haboon inaad ila xidhataan muraayadda Arragti Aqooneedka siyaasadda dunida ee afka qalaad loogu yeedho Realism, qaybteeda loo yaqaano structural Realism oo uu casrigan hogaamiyo prof. John Mearsheimer oo ah bare sare oo culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacaada Chicago iyo jaamacaddaha kale ee aduunyada ku kala filiqsan.


Dunidan casriga ah siyaasad ahaan shakhsiyadda (entity) ugu wayn ee ay umaddaha caalamku ku xidhiidhaan waa waxa loo yaqaano waddan ama qaran (state). Jiritaanka qaramaddan waxa ka samaysma nidaam loo yaqaano Hab-siyaasaddeedka aduunyada[HSA] (International Political System IPS). Dabeecadda Hab-siyaasaddeedka Aduunyada HSA  oo aan hoos kaga hadli doono, wuxuu masuul ka yahay hab-dhaqanka siyaasadeed waddamada iyo in qaran walba (state) ay ka soo fulaan dhaqanno dabiici ah ama ficilo oo afka qalaad lagu yidhaahdo(state behavior) oo samayn ku leh xasilooni darada dhunida.


Ficiladan oo ka kooban sadex, waxay kala yihiin:

1. Waddammadu way kala baqaan (fear), taas oo macnaheedu yahay in mar walba ay dhex taalo is aaminaad la’aan aan la baabiin karin xataa hadii labada dal saaxiib yihiin. Tusaale ahaan sida Faransiiska & Ingiriiska oo kuwada jira NATO iyo EU. Sababtuna waxay tahay (b) iyada oo waddan walba dhinaciisa uga fikirayo in ay macquul tahay in hadii waddanka la dariska ahi uu yeesho awood ka badan tiisa oo uu soo weerarri doono si uu qabsado. Arrintanina waa mid xaqiiqa ah oo dhacda. Bal marka aynu dib u milicsano taariikhda, Garmalkii Naasiga ahaa markii uu awood yeeshay waxa damcay in uu qabsado Yurub oo dhan, waxana xusid mudan in waddamadii uu gacanta ku dhigay uu ka mid ahaa waddan caan ah oo la wada garanayo oo ah Faransiiska, Jabaanna waxay isku dayday inay qabsato USA. Ta labaad, dunidan aynu ku dhex noolahay waa mid aan lahayn dawalad dhexe oo kala ilaalisa waddammada aduunka (Anarchic system). Bal u fiirso, sida ay Israa’iil ula dhaqanto falastiniyiinta ay dhulkoodii ka qaadatay. Ma jirto cid ka celin karta. Maraykanku waxa uu weeraray oo qabsaday Iraq, xataa waxa logu yeedho Qaramada Midoobay (QM) ay ka diiday. Siduu doonana uu u galay. Itoobiya iyo Eratariya waxa dhex maray gadaal. Itoobiya waxay ka qabsatay Eratariya dhul. Dhexdhexaadintii ay QM arrinkaa ka gashayna go’aankii ka soo baxay oo ahaa in Itoobiya dhulka ay isku haystaan ee ay qabsatay uu yahay dhul ay Eratariya lee dahay islamaraana ay si dagdag ah uga baxdo, laakiin si cad oo adag ayey Itoobiya u diiday arrinkaas. Markaa ma jirto dunidan cid damaanad qaadi karo waddanna amaankiisa.    


2. Isaga oo maskaxda ku haya in aduunyadu ay tahay meel aanay ka jirin dawlad dhexe oo ka ilaalin karta in waddan kale ku soo duulo (anarchic system), ayaa waddankastaa waxa uu ku dadaalayaa in uu had iyo goor isku tiirsanaado si uu u ilaaliyo jiritaankiisa (Self-help system).


3. Waxa uu kor u qaadaa awoodiisa ciidan si uu u ilaaliyo amaankiisa (Security-maximizing relative power). Waxana uu ku dadaalaa laba arrimood oo kala ah: (b) In uu noqdo waddanka ugu awooda badan gobolka (hegemony) si uu ugu noolaado cabsi la’aan. (t)  iyo in uu ka ilaaliyo gobolka uu ku yaalo waddan ka awood badan isaga ama la awood ah, ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (peer competitor). Isku soo duuduub oo aduunyadan, waxa kaliya ee ka waddan ahaan ku badbaadin kara waa awood (Power). 


Hadaba iyada oo xaalka siyaasada aduunyadu iyo habdhaqanka waddammadu uu sidaa yahay (anarchic system), oo waxa kaliya ee go’aamiya hadba sida waddamada kale ay kuula dhaqmayaan (in lagu sharfo sida Maraykanka iyo in lagu bahdilo si laguu gumeysto) ay tahay awood (power), ayaa waxa la soo gaadhay qarnigii 21aad oo ah xili ay labadii dal e cadawga isku ahaa waligoodba midina awood leedahay waa Itoobiyee midna gabalku u damay. Sidaa daraadeedna ay Itoobiya ka shaqaynayso sidii aanay mar dabme awood u yeelanin Soomaaliya si ay uga faa’iidaysato kheyraadka waddankaas oo ay kaw ka tahay badda balaadhan ee uu lee yahay iyaduna aanay nasiib u helin. Iyo si aanay Soomaaliya mar dambe u awoodin inay sheegato dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato ee Ogaadeenia (Hawd & reserve area).


Itoobiya waa qaran hay’adihiisa dawliga ahi u dhisan yihiin, taariikh fog oo ah ilaa dhawr iyo toban qarnina dawlad ahaa, 30kii sanaddood ee Soomaaliya burbursanaydna dhaqaalihiisa iyo awoodiisa ciidanba korayeen. Taasina waa ta Itoobiya u sahlaysa in ay ciidamadeeduna gudaha u galaan, waxay doonaana ka sameeyaan, xukumadda taagta daranna siday doonaan ula dhaqmaan, siyaasadda wadanka ee mustaqbalkana iyagu qaabeeyaan. Soomaaliya waa qaran fashilmay mudo 30 sano ah burbursanaa, dadku ilaaween macnaha dawladnimo iyo kala dambeynta, qabyaaladu ragaadisay oo u qaybsan qabiilo midba dan gooni ah lee yahay oo midba midka kale ka soo hor-jeedo, oo aan awood umadeed lahayn lahayn. Awood daraduna (powerless) waa ta ay ku mutaysatay in ay waddammada darisku sida Itoobiya iyo Kenya isku dhiidhiibaan, farogalin qaawanna ku sameeyaan iyaga oo danahooda ka fushanaya, islamarkaana ku dhaqmaya ficillo fududaynaya in Soomaaliya ay ku sii jirto dhibta iyo diciifnimada maanta. 


Ujeedooyinka Khariiddada Soomaalidu ka Cadhaysiisay

Waxaynu qaybtan ku baadhaynaa sababta dhabta ah ee ay Itoobiya Wasaaraddeeda Arrimaha Dibeddu u baahisay khariidaddii muujinaysay Somalia iyo Itoobiya oo la isku daray Somaliyana ay tahay qayb ka mid ah Itoobiya, halka Soomaalilandna ay u taagnayd goonideeda. Hasa ahaatee, Maqaalkanni ma aamisna in uu run yahay cudurdaarka Itoobiya ay ka bixisay khariiradadan oo ah mid ay ku sheegeen in uu ahaa wax aan lagu talagalin oo ku soo dhuuntay shabakada. Cudurdaarkaas waxa uu u arkaa maqaalkani in uu yahay mid laftigiisu cay caqliga dadka Soomaalida ah.


Khariidaddan ay Itoobiya baahisay waxa waxay ahayd ujeedo badan. Halkanna waxaan si kooban u soo bandhigi doonaa sadex ka mid ah. Waa marka 1aade, waa tijaabo Itoobiya ku hubinaysay bal sida Somalidu uga fal celin karaaan iskudayga kasta oo ay Itoobiya ku doonayso isku darka labada dal. Waxana laga yaabaa in iyadoo awalba damacsanayd dhulka Soomaalida, hadana in masuuliyiin Soomaali ah ay been u sheegeen iyaga oo u sheegaya in ayna Soomaalidu wax ka qabin hadii la isku daro labada dal. Ileen "ceelka dad liqa ah ul baa la iskaga dayaa.”  


Waa marka 2aade, waa fariin siyaasadeed (diplomatic message) oo ku socota umada Soomaaliyeed waliba gaar ahaan Soomaalida xorta ah iyo tan kilinka shanaad ee ay gumaysato itoobiya. Waxana loola jeedaa in looga dhigo dawo xanuunka gabawga ah ee ku dhacay siyaasaddii ilka daadsatay ee Itoobiya. Hadii aan sii faahfaahiyo, 2017 dhamaadkiisii iyo iyo bilawgii sanadkii 2018, waxa bilaabmay fashilkii siyaasadii gabawday ee Itoobiya ku dhaqmaysay qarniyo badan ee ku dhisneysnayd cadaadiska, cabudhintaa, maskaxmeydhka iyo gumaysiga shacabka, kadib markii ay shacabka Itoobiya keceen.


Itoobiya iyada oo lagu jiro qarnigii 21 ayey istcmaalaysay siyaasadihii qarnigii 1 aad, waxayna qarka u gaadhay inay burburt. Inkastoo isbadalo dheceen hadana saadasha jiritaaka waddankaasi ma saaloona. Sidaa daraadeed, itoobiya si ay u jihayso maskaxda shacabkeeda iyada oo ka warwaraysa jiritaanka waddan Itoobiya la yidhaahdo, ayey isticmaashay siyaasada la yidhaahdo ‘Niyad dhis iyo Ilawsiin’ si loo bogsiiyo dhaawacyada halista ah ee soo gaadhay. Waa mida 1aade, waxay ahayd fariin loogu quus goynayey Soomaalida Itoobiya.


Si ay shacabka Soomaalida ee Itoobiya looga niyad-jabiyo rabitaanka ah inay go’aan ama Soomaali wayn u heesaan, sida heestii ahayd Soomaaliyey toos oo, toos oo isku tiirsada ee, hadba kiina taag daraney, taageera waligiinee ee ay hormuudka umadaasi ka hor qaadeen raysal waaaraha Itoobiya markii uu xilka la wareegay, ayaa fariintani loola jeeday. Hadii ficilka itoobiya ee ku saabsan maabkan loo turjumo erayo waxa noqon lahayd sidan:  Itoobiya, ‘iskadaa idinka oo gu’itaan raba e, waddankii dhanaa ee madaxa banaanaa ee Somaliay la odhan jiray ee aad u heesayseen ayaan rabnaa inaan ku darsano Itoobiya, oo aan liqno gabigiisaba.’ Ula jeedaduna tahay sida aan kor ku sheegayba, in hub-kadhigistii ONLF, loogu daro hadana rajo ka dhigistii shacabka Somalida Itoobiya.


Waxay kale oo ay ahayd fariin lagu badalayo maskaxaha iyo quluubta dadka Itoobiyaanka ah ee su’aallo iska waydiinaya  mustaqbalka jiritaanka Itoobiya oo shiki ka galay. Si ay ugu dhawaaqaan ama qabiga uga yidhaahdaan, ‘ala! Oo waxaaban awoodnaa inaan Soomaaliya qabsao… oo waxaaban u soconaa hadaf aad u sareeya…waa wax fiican hadiiba aan hello dhulkaas ay taalo nimcada aynu ka qadnay ee badahu.’ Qofka Itoobiyanka ah, hadii uu sidaa u fikiro waxay guul u tahay dawlada Itoobiya, waayo waxa la jeediyey diiradii tabneyd ee shacabka ee ay ku eegayeen Itoobiyaanimada 


Waa mida 3aade waxay ahayd dhoolatus ku wajahan gobolka Bariga Afrika (Geopolitics). Gobolka bariga Africa waa midka ugu horumar hooseeya siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba uguna xasiloonida daran Afrika. Itoobiyana waa waddanka gobolkaas ugu awooda badan dhinaca ciidanka, uguna badka badan, reer galbeedkuna ay ugu tixgalinta badan yihiin, waxaanay isku taqaanaa libaaxii Africa. (Waxase cimaamada ka riday oo bisad ka dhigay Soomaaliya oo dagaalkii ugu waynaa wada galeen 1977, halkaas oo Soomaaliya Itoobiya ku jabisay kana qasatay dhulkii Soomaalida ee a gumaysanaysay oo dhan). Hadii aan dhoolatuskeeda kalmaddo u badalnana  waa Itoobiya oo leh, ‘Inkastoo fadqalooyin ka dhacay dalkeyga, hadana waxaan ahay waddan hansare leh, islamarkaana awood u leh inuu qabsado waddan kale  si uu ula maamulo.’


Arrinta kale ee yaab ku noqotay dadka Soomaalida ah waxay ahayd in ayna Soomaaliland ku jirin kariidadda ay wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya baahisay. In laga fikiro sababtuna waa mid u baahan taxadar dheeraad ah, waayo-aragnimo iyo aqoon. Sababbaha loo malayn karo in ay Itoobiya sidan u samaysay, laguma dari karo fikradda sheegaysa in sababta ay Itoobiya khariidadan ugu dari wayday Somaliland ay tahay in ay Itoobiya Soomaaliland xidhiidh dhaw la leedahay sidaa daraadeedna ay dhinaca saarayso, ama in ay Itoobiya aanay u baahnayn dhulka iyo badaha Soomaaliland. Culuumta siyaasida iyo xidhiidhka caalamiga ee Aragti-aqooneedka Realism ma dhigayo in waddan kaa xoog iyo awoodba badan, hadii uu dan kaa yeesho, uu u dhaafi karo dantaas xidhiidhkiina oo aad u wanaagsan dartii. Xidhiidhka aad waddan la leedahay waxaba hoos u dhiga ama xumeeya in ay awoodaadu diciifto.  Taasina waa sababta uu waddan walba u raadiyo in uu awoodiisa ciidan kor u qaado. Tiirka 3aad (principle 3) ee Arragti-aqooneedka Realism, waxa uu sheegayaa in waddanna aanuu isku halayn karin in uu ka nabadgali karo waddanka la jaarka ah xataa hadii ay saaxiibo yihiin, caqliga wanaagsan ee fikirayana waa sidaas.  


Dhinaca kale, ma odhan karno Itoobiya uma baahna dhulka iyo badaha Somaliland, hadii aan sidaa nidhaahno, macnaheedu waxa uu noqonayaa Indian Ocean-ka ayey ka door bidaysa Itoobiya Golf of Aden oo ah bada ay kulaasho Soomaaliand. Taasina maaha macquul. Golf of Aden ayaa uga istratiijasan Itoobiya, tanina uma baahna sharaxaad. Sababta dhabta ah waxay tahy, waa qaybi oo xukun. Waa ta ay rabaan Itoobiyaanku in dadka reer Soomaaliland u qaataan sababata iyaga khariidadda looga reebay in ay tahay labada sababood ee aan kor ku soo sheegnay oo kuwo dhab ahayn. Macquul maaha in laba nin oo walaalo ah bari kula col ahaa oo manta qaybsamay, oo wax isku diidan oo is haya, in ninkii ay cadawga ahaayeen, oo aan midna midka kale uga duwanayn, uu ku yidhaahdo: labadiina kan ayaa cunayaa, adigana waan ku daynayaa!! Hadiise ayba macquul noqoto in ay ka yeelaan sidaas, suurtogal maaha in markuu mid dilo uu ka kalena daayo. Sababtuse waxay ahayd, in la qaybiyo awoodooda, waayo in uu mar la wada dagaalamo labadaba waxa uga fudud in uu mid mid u ugaadhsado. Xaalku waxa uu noqonayaa: walaalkii loo xiiryow adiguna soo qoyso.


Waxa iyaduna muhiim ah in la fahmo in Itoobiya ay aaminsan tahay in jiritaankeedu halis ku jiro hadii ay jaar noqdaan Soomaaliya awood leh. Sidaa daraadeed waxa miiska u saarnaa sadex doorasho oo kala ah: Soomaaliya oo laaqan, Soomaaliya ay maamusho Itoobiya oo ka mid ah waddankeeda iyo Soomaaliya oo ay si dadban u maamusho. Soomaaliya oo laaqan dan ayaa ugu jiri wayday, maxaa yeelay waxay khatar ku tahay amniga waddankeeda, oo dhibta ayaa iyana gaadhaysa. Labada hada miiska saaran waa labada soo hadhay. Waxayna u badan tahay midda sadexaad. Si ay sidaasi u suurto-gasho waddankii Soomaaliya waxay dhaxalsiisay nidaam dawladeed oo aan ku habooneyn oo la yidhaahdo fadaraal. Taas oo macnaheedu yahay inay qaybisay.


Mida labaad waxay samaysatay ciidamo badeed. Ma bad ayey leedahay maxay u samaysatay ciidamada badda? Waxay ugu talogashay badaha Soomaalida, oo ay ku jirto Golf of Aden-waayo badaasi waa u  muhiim si ka badan Indian Ocean-ka. Hadii ay ciidamaddeeda xeebaha Soomaaliyeed ay keento, maxaa u hadhay Soomaalida. Ciidamadda Itoobiyanka ah ee hada waddanka ku jira waa sahan. Ciidamada badda ee ay Soomaaliya ku soo waddana waa talaabadii ugu weyneyd ee xiniin yaha laga saarayey Soomaalida. Talaabada ku xigtaana waa in si toos ah loo qabsado.


Waxa macquul ah in ay Itoobiya isku dayi karto inay qabsato Soomaaliya+Soomaaliland, wayna ku taagan tahay wadadeedii. Waxaanse shiki ku jirin hadiiba ay qabsato ileen cidi kama horjoogtee, inaanay haysan karin. Midaasina waxay leedahay cadaynteeda. Si aad saadaal sax ah u samayso waxaad u baahan tahay in aad dib u raacdo taariikhda cida aad saadaasha ku samaynayso, ama cida la midka ah iyaga iyo in aad u fiirsato waxa maanta taagan. Itoobiya waxay haysan kari wayday Eratariya oo halbawle u ahayd. Sudaan waxay joojin kari wayday koonfurta Sudan oo ay hal waddan isku ahaayeen,  xoriyddana wada qaateen. Ingriisku wuxuu ku guul daraystay in uu ku hayo Ireland la noolaanshihiisa. Uguslavia oo sida Itoobiya umaddo kala duwan ahaa hayeeshee 25 million ahaa halka Itoobiya lagu sheego 100 million, waxay u kala bexeen 6 wadan. Kosovo  Seerbiya ayey ku tidhi ku dooni mayo, wayna ka go’day. Maldova waxay ka go’day Romaniya, Transdniestriya iyadna waxay ka sii go’day Maldova. East Timor iyadna ka dhambalanay Indonesia, Bangladesh Pakistan,  Uruguay ka baxday wada noolaanshihii Brazil, Panama ka jabtay Colombia, wadamadii midawgii Soviet waxay ka baxeen midawgii Ruushka, Soomaalilandna waxay Soomaaliya ku leedahay nabadgalyo kuma rabee.


Guntii iyo gunaanadkii

Itoobiya inay khariidaddan baahiso waxay ahayd wax ay ugu talagashay, cudurdaarka ay ka bixisayna maaha wax macquul ah, maqaalkana ugumanaan talagalin in aan kaga hadalno sababta ayna macquul u ahayn cudurdaarkeeda ay ku sheegtay inaanay ugu talagalin ee ay si khalad ah wax u dheceen. Ujeedooyinka ay ka lahaydna waa kuwo dhawr ah, waxana ka mid ah: waaxay ahayd tijaabo Itoobiya ku hubinaysay bal sida Somalidu uga fal celin lahayeen hadii lagu dhawaaqo wax la xidhiidha isku darka labada dal. Waxay ahayd fariin siyaasadeed (diplomatic message) oo ku socota umadda Soomaaliyeed waliba gaar ahaan Soomaalida xorta ah iyo tan kilinka shanaad ee ay gumaysato itoobiya.  Taasina waxa loola jeeday in Somalida Itoobiya oo hoosta ka guuxaysa si ay uga go’aan Itoobiya una raacaan Soomaaliya, in lagu niyad-jabiyo; taa ka soo horjeedkeedana niyadda loogu dhiso Itoobiyanka kale ee Itoobiyannimada daneynaya ee ay ka mid yihiin Tigreyga iyo Axmaaradda, laguna ilawsiiyo su’aasha shacabku iska waydiinayaan mustaqbalka Itoobiyannimada, taasi oo daawo looga dhigayo dhaawacyadii ka soo gaadhay Itoobiya tartanka qoomiyadaha dalka.  


Waxa iyaduna aan meesha ka maqneyn in ay ahayd dhoolatus ku wajahan gobolka Bariga Afrika, si ay u muujiso in ay wali Itoobiya xoog tahay hansarena leedahay iyada oo samaynta ficilkan uga faa’iideysanaysa tamar-darada umadda Soomaalida (kumay dhacdeen inay sidaa tidhaahdo hadii Soomaalidu awood leedahay ama qaran tahay ama qiimo sare ayey ku kici lahayd inay khariidaddaas baahisaa). Waxa iyadna jawaab kooban oo aan la yaab lahayn leh sababta ay Soomaaliland uga ugu dari wayday khariidadda ay ku muujisay dhulka Soomaalida ee ay isa siisay: waa kala qaybin (qaybi oo xukun) iyo in ay gooni gooni ugaadhsato.  


Waxa iyaduna waax la filan karo ah in Itoobiya ay isku dayi karto in ay Soomaaliya si toos ah ula wareegto, laakiina waxay ku go’aan qaadan doontaa hadba sida ay Soomaalidu u jawaabaan, u dhaqmaan iyo hadba inta awoodoodu leeg tahay.  Sababta ka dambeysa in ay Itoobiyana sidaa ugu tagri-fasho dhul aanay lahayn, Soomaaliyana dhibane ugu noqoto, la daalaa dhacdo faragalinta lugooyada, dulaysiga, gumeysiga, gardarada, liidista, iyo mijo xaabinta ku salaysan, waa awood (power)-Itoobiya oo awood leh iyo Soomaaliya oo diciif ah. Si la mid ah sida Itoobiya u fikirayso, ama waddan kasta oo  kale u fikirayo, hadii uu waddan rabo in uu sharaf iyo xoriyad ku noolaado waa in uu awood yeeshaa (maximizing relative power).    

 

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...