Xukuumadda Oo Caddaysay Ujeeddada Ay Ka Leedahay Furista Ururrada Siyaasadda

0
Monday May 23, 2022 - 13:17:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Caddaysay Ujeeddada Ay Ka Leedahay Furista Ururrada Siyaasadda

    "Waxa aynu u baahanahay in aynu Soomaaliya mar labaad ku noqono"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aynu u baahanahay in aynu Soomaaliya mar labaad ku noqono"

Hargeysa, - (HWN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa si cad shaaca uga qaaday ujeedada ay ka leeyihna in furista Ururrada Siyaasadda oo uu ku sheegay in ay tahay sidii umadda reer Somaliland ula soo bixi lahayd ururro qaranimada Somaliland aaminsan sida uu hadalka u dhigay isaga oo xisbiyada qaranka ee Mucaaridka ah ee wakhtigan (UCID & WADDANI) ku duray in aanay aaminsanayn qaranimada Somaliland oo ay u socdaan dhinacaa iyo Xamar.



Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayay Munaasabadda Xuska sannad guurada 20aad ee aasaaska xisbiga KULMIYE oo shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu si layaab leh uga sheekeeyey eedo culus oo uu u soo jeediyey masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridka Somaliland isaga oo si gaar ah eedo ugu jeediyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, kaasi oo uu ku eedeeyey in kulan ay wada qaateen uu kaga hadlay in uu Faysal ahaan soo jeedinayo in Xamar lala qaato midaw, Somaliland-na fashilantay sida uu Wasiir Kaahin Hadalka u dhigay waxaanu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya yidhi: "Axsaabta siyaasiga ahi hadda fadhigoodii ugu dambeeyey ee ay taariikhda markii ugu horraysay Somaliland ay laba xisbi mucaarid diideen in ay qarankooda kula dabbaal dagaan maalinta qaranimada. Hadallada uu Faysal Cali Waraabe ka yidhi nidar Ilaahay waxaan ku galaynaa in aanay dhacayn in ururro siyaasi ah la furo. Waxa aan doonayaa in aan halkan idiinka sheego habeennimadii Bishu 17 noqonaysay oday Cali Maxamed Warancaddaha halkaa fadhiya iyo Guddoomiyaheena Baanka dhexe Mudane Cali oo inta ay xisbiyada Mucaaridka ah u tageen kasoo wada hadlay in Madaxweynaha loo yimaaddo iyo qolyaha KULMIYE oo la wada hadlo in aanu habeenimadaa isku nimid.”


Wasiirka oo hadalka siiwata ayaa yidhi "Annagu waxaanu soo jeedinay damacyadiina iyo dabbaal-degyadiina gaarka ahi ha idiin dambayso laakiin xafladda qaranka ee maalinta 18-ka May aan wada ciidno. Way ka cudur daarteen. 17-kii bay Burco iyo Boorama ka dabbaal dagayeen. Habeenkii markii aanu wada hadlaynay Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu yidhi waynu fashilanay dawladnimo dad wadi kara ma nihin dawladna wadi kari mayno Xamar na waataa socotay innana maanta waynu iska soo horjeednaa cid innagu kala guntada ayaynu u baahanahay. Waxa aynu u baahanahay in aynu Soomaaliya mar labaad ku noqono oo aynu la yeelano fadareeshan aynu mar labaad la yeelano. Miyaad u malaynaysaan 12 nin baanu nahay marka aannu halkaa fadhino Cali Maxamed Warancadde wuu fadhiyaa Cali wuu fadhiyaa, Madaxweynuhu wuu fadhiyaa, Axmed Cabdi Dheere wuu fadhiyaa, anigu waan fadhiyaa, jananka ciidanka Bilaysku wuu fadhiyaa. Taliyaha ciidanka qaranka iyo wasiirka Diintu way fadhiyaan. Siddeed baanu nahay iyaguna waa shan. Waa Faysal, waa Cirro, waa Xirsi waa Cabdillaahi Cukuse waa Xildhibaan Baarlaman Koodbuur. Miyay tahay madal markhaatigeeda qarsoomi karo. Horta hanala yaabinee markan aad arkaysaan Xinif iyo Cabdicasiis oo qaylinaya dee dadka aanu la macaamilnaa waa dadka Federaalka Xamar ku socda. Maadaama aragtida noocaas ahi ay jirto. Arrinta ugu badan ee ay maanta xisbiyada mucaaridku ka hadlayeen waxa weeyi in dalku galo khalkhal qaanuuni ah (Constitutional Crises) in dalka lagu abuuro oo marka khalkhalkaasi la abuuro dabadeedna la yidhaa meeshii waxba noqon waydaye Xamar baa rajo ka jirtaaye aynu Xamar tagno. Waxa xisbiga KULMIYE ku adag in aanu la macaamilno oo aanu wada hadal la yeelano nin Xamar u socda iyo nin Somaliland tiisa aaminsani miyay meelna ku heshiin karaan. Dadweynaha reer Somaliland waxaan u sheegaynaa ururradii Siyaasiga ahaa waa la furayaa. Waxaan leenahay ururro siyaasi ah oo Mudakar ah oo idin ilaalin kara oo qaranimadiina Somaliland ilaalinaya dee ka doorta ururrada dambe ee Furmaya. Dawladaha innoo yimaadda waxa ay ku yidhaahdaan haddii aanu reer Somaliland nahay waanu is haysannaa.” Ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo shalay ka hadlayay xafladda xuska sannad guurada 20aad ee xisbiga KULMIYE.

Loading...
Loading...