WADDANI Oo Muuse Biixi Kala Doorransiiyey Laba Jid Midka Uu Maanta Qaadayo.

0
Monday May 23, 2022 - 13:08:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Oo Muuse Biixi Kala Doorransiiyey Laba Jid Midka Uu Maanta Qaadayo.

    "Somaliland muranno siyaasadeed lugaha la gasha, dib u dhac doorasho"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland muranno siyaasadeed lugaha la gasha, dib u dhac doorasho"

Hargeysa, - (HWN)- Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu taariikh ka tago oo doorashooyinka soo socda mid walba wakhtigeeda ku qabto dalkana ka badbaadiyo fawdo iyo in uu ka abuuro khilaaf siyaasadeed oo xumayn kara sida uu hadalka u dhigay dhaxalkiisa siyaasadeed maadaama uu yahay nin wakhtigan da’ jooga.

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo daba socday khudbad uu shalay Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey xuska sannad guurada 20aad ee aasaaska xisbiga KULMIYE oo shalay lagu qabtay caasimadda Hargeysa ayaa waxa uu xusay in Somaliland jidka kali ah ee ay maanta ku badbaadi kartaa yahay in doorashooyinka wakhtigooda lagu qabto lana ilaaliyo shuruucda waddanka u taalla si ay dadka reer Somaliland isku duubni iyo wada jir ay ugu halgamaan himiladooda qaranimo.

 

Xoghaye Khadar oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Madaxweyne Biixi da’da uu maanta joogo iyo quruxda muddo xileedkiisa gebogebada ahba waxaa ay sharafi ugu jirtaa doorashada oo uu waqtigeeda ku qabto, iyo in uu odaynimo iyo waayeelnimo ku dhammeeyo wixii la isku khilaafsan yahay. Si aynu u noqonno Somaliland isku duuban, degenaanshiyo siyaasi ahi ka jiro, dunida la garnaqsata, geeddiga horumarka iyo dhismaha qarankuna ka sii tisqaado.

 

Waxa se barbar yaalla, jidka ay cid kasta oo Somaliland jeceli kaaga digayso oo ah, Somaliland muranno siyaasadeed lugaha la gasha, dib u dhac doorasho, dunida aynu danaha qaran ka leenahay oo dhabarka inoo jeedisa, iyo umaddaada oo aad dhex dhigto isnac iyo kala fogaanshiyo.

 

Waa mugdi iyo ayaandarro aad sababi doonto in Somaliland dib u noqoto, xilli Soomaaliya oo aynu geeddi 30 sanno ah ka horreynay ay maanta doorashooyin hufan qabsatay, diyaarna u tahay maalgelin iyo kaalmooyin horumarineed dunida ka hesha, una kolonyeysato dhinaca horumarka iyo dhismaha dawladnimada.

Maalinta Soomaaliya ina sugto si aynu u soo gaadhno, saw xaalkeennu faan beenoobay noqon maayo.



Labadaas jid ayaa hadda u furan Somaliland, cidda maanta u kala dooraysaana waa Madaxweyne Biixi, isagaa og jidka uu dooranayo, laakiin anigu waxa aan ogahay in midhaha ka dhashaa macaan iyo qadhaadhba, masuuliyaddeedu guudkiisa saarantahay” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

Loading...
Loading...