SOLJA Oo War Ka Soo Saaray 4 Saxafi Oo Lagu Xukumay Hagaysa

0
Monday May 23, 2022 - 13:02:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOLJA Oo War Ka Soo Saaray 4 Saxafi Oo Lagu Xukumay Hagaysa

    "Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa"

War-saxaafadeed:-



Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex waxa ay maanta xukun ku riday laba wariye oo u xidhnaa dhacdadii 13-kii April 2022 ka dhacday xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa kuwaasi oo kala ah wariye Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ahaa Guddoomiyaha Telefishanka MM Somali Tv iyo Cabdijabaar Maxamed Xuseen, Madaxdii wararka Telefishanka HCTV kuwaasi oo lagu xukumay mid kasta xabsi dhan Hal sano iyo Afar Bilood, halka Maxkamaddu sii daysay Wariye Cabdiraxmaan Cali Khaliif oo ay sheegtay in lagu waayay eedihii loo haystay.


Dhanka kale, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi Jeex waxa ay Iyana maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageed ah ku riday Cabdimaalik Muuse Coldoon. Kaasi oo lagu xukumay xabsi dhan laba sano oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan Saddex Milyan oo shilinka Somaliland ah.


Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu aad uga xun yahay xukunnadan ku dhacay saddexdan Suxufi oo muddoba Ururku Hawshooda gacanta ku hayay il gaar ahna ku hayay, kaasi oo aanu u aragno in uu yahay xukun si weyn wax ugu dhimanaya xorriyatul qawlka, abuurayana jawi ah in ay suxufiyiintu ka baqaan tabinta dhacdooyinka iyo wararka ay Bulshadu ka sugayso.


Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa xadhiga soo noqnoqday ee muddooyinkii ugu dambeeyey ay la kulmayeen Suxufiyiinta Somaliland, xadhigaasoo ka hor imanaya qodobbada dastuuriga ah iyo xeererka kale ee dalka ee damaanad qaaday Xorriyadda Saxaafadda, kaasi oo u ogolaanaya in ay Saxafiyiintu ku shaqeeyaan deegaan u saamaxaya gudashada xirfaddooda oo ah mid ay dhammaan shuruucda dalku u damaanad qaadeen.


SOLJA oo kaashanaysa qareennadeeda kala hawlgala dacwadaha ka dhanka ah suxufiyiinta iyo guud ahaan saxaafadda Somaliland waxa ay qaadi doonaan tab kasta oo sharcigu u ogol yahay in ay ku difaacaan xuquuqda saddexdan Suxufi.


???????????????????????????????? ???????????????????? ????????????????????????????

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

Loading...
Loading...