Somaliland Oo Xukun & Ganaax Iskugu Dartay 4Saxafi Oo Xidhnaa

0
Monday May 23, 2022 - 12:52:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Xukun & Ganaax Iskugu Dartay 4Saxafi Oo Xidhnaa

    "Saxafiyiinta kala ah maxamed Ilig iyo Cabdijibaar ayaa la qabtay ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saxafiyiinta kala ah maxamed Ilig iyo Cabdijibaar ayaa la qabtay ..."

Hargaysa (HWN) Maxkamadda Gobalka Maroodi-jeex ayaa Saaka Min hal sanno iyo 4 bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Mohamed Ilig (MMTV)  iyo Cabdijibaar Maxamed (HCTV) halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.



Geesta kalena, Wariye Cabdimaalik muuse coldoon ayaa Saaka Maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa ku xukuntay laba sannood oo xadhig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.

 

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa hore wax dambi ugu wayday Coldoon balse ugu dambeyn saaka ayey xukuntay Maxkamadda Racfaanku.

 

Saxafiyiinta kala ah maxamed Ilig iyo Cabdijibaar ayaa la qabtay iyaga oo soo tabinaya dhacdo  ka dhacday jeelka wayne ee Magaalada Hargaysa, wakhtigaasi oo xukuumadu siwada jir ah uxidhay saxafiyiin gaadhaya labaatan saxafi, taasi oo ahayd suxufiyiintii ugu badnaa ee markeliya Somaliland lagu xidho.


Isku soo wada duuboo, xukuumada Muuse Biii ayaa dagaal cad ku haysa Saxaafada oo tiir mihiim ah uh dimiqraadiyada Somaliland.

 

Loading...
Loading...