Golaha Wakiilada SLAND Oo Diiday Inay Ansixiyaan 3Xubnood Oo Kamid Ah Gudida Diiwaagelinta Ururada

0
Monday May 23, 2022 - 12:38:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada SLAND Oo Diiday Inay Ansixiyaan 3Xubnood Oo Kamid Ah Gudida Diiwaagelinta Ururada

    "Saddexdan xubnood ee waayay codkii ay uga baahnaayeen golaha ayaa kala ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saddexdan xubnood ee waayay codkii ay uga baahnaayeen golaha ayaa kala ah"

Hargaysa (HWN) Golaha wakiiada Somaliland ayaa diiday inay ansixiyaan Saddex xubnood oo ka mid ah todobada  xubnood ee guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda.



Saddexdan xubnood ee waayay codkii ay uga baahnaayeen golaha ayaa kala ah Maxamuud Axmed Obsiiye, Siciid Maxamed Cilmi iyo Mukhtaar Cabdi Jaamac. Xubno la diiday ayaa laba ka mid ahi ahaayeen Xildhibaannadii hore ee Golaha Wakiillada


Dhammaan xubnahan ayaan gaadhin codadkii kalsoonida ee ay uga baahnaayeen Golaha wakiilada Somaliland waxaana u codeeyey midkiiba  41 Xildhibaan


4 Xubnood ee kale ayaa iyagu ka gudbay ansixintii golaha wakiillada, waxaana ay gaadheen codadkii kalsoonida ee loo baahnaa.


Xubnahan la diiday in la ansixiyo waxay dib ugu  noqon doonnaan madaxweynaha Somaliland oo isagu hore u soo magacaabey


Loading...
Loading...