Waa Tuma Haweeneyda Laf Dhuun Gashay Ku Noqotay Erdogan?

0
Monday May 23, 2022 - 08:19:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Tuma Haweeneyda Laf Dhuun Gashay Ku Noqotay Erdogan?

    "Sanadkii 2019-kii ayay aheyd markii lagu riday ku dhawaad 10 sano oo xarig ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sanadkii 2019-kii ayay aheyd markii lagu riday ku dhawaad 10 sano oo xarig ah"

Tobanaan kun oo qof ayaa isu soo baxyo ka dhigay waddooyinka magaalada ugu weyn ee dalka Turkiga ee Istanbul iyagoo taageerayay hoggaamiyaha mucaaradka haweeneyda lagu magacaabo Canan Kaftancioglu.



Canan Kaftancioglu, oo madax ka ah xisbiga cilmaaniga ah ee Jamhuuriga (CHP) laantiisa Istanbul, ayaa la arkayay iyadoo dhoola cadeyneysa xilli ay u gacan haatineysay dadkii ka qeybgalayay isu soo baxa.


Siyaasiyaddan caanka ah oo aragtideedu tahay cilmaani oo Turki ah ayaa hadda ka hor lagu xukumay toban sano ku dhawaad xarig ah, waxaana loo haystay "cay iyo borobagaando aragagixiso" oo ay kala hor timid dawladda Turkiga.


Waxaa sidoo kale loo heystay dambi ah in ay aflagaadeysay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo dowladda Turkiga.


Haweeneydan 50 jirka ah ayaa waxaa laga hakiyay xukunkii xabsiga ahaa ee lagu riday.

Eedeymaha loo jeediyay waxa ay u badan yihiin qoraallo ay Twitter-ka ku qortay 10 sano ka hor.


'Arrin la siyaasadeeyay'

Kaftancioglu waxay marar badan ku celcelisay in eedeymahaasi ay yihiin kuwa siyaasadeysan.

Waxay ku lug lahayd guushii uu xisbiga CHP ka gaaray doorashadii duqa magaalada Istanbul sanadkii 2019, taasoo ay kaga adkaadeen xisbiga talada haya ee Madaxweyne Erdogan.


Madaxweyne Erdogan waxay eedeymo uga imaanayeen dalalka reer galbeedka iyo hay'adaha xuquuqul insaanka oo ku eedeeyay in uu caburin ku hayo garsoorka iyo hay'adaha kale ee dowladda kadib afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas sanadkii 2016-kii.


Sanadkii 2019-kii ayay aheyd markii lagu riday ku dhawaad 10 sano oo xarig ah.

Kadib markii racfaan ka qaadatay go'aanka maxkmaadda waxaa la dhimay xukunkii xarigga ahaa, waxaa looga dhigay wax ka yar shan sano oo xarig ah.


Sida uu dhiga sharciga Turkiga, xukunnada xarigga ah ee ka yar shano intooda badan waa la hakiyaa.


Waa tuma Canan Kaftancioglu?

Kaftancioglu ayaa lagu eedeeyay 10 sano ka hor inay "aflagaadeysay" madaxweyne Erdogan iyo dawladda Turkiga ee iyo sidoo kale la sheegay inay ku lug laheyd "faafinta dacaayadaha argagixisada".


Eedeymahan ayaa la xiriira dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda oo ka dhacay Turkiga sanadkii 2013 , xilliggaas oo la mamnuucay xisbiga shaqaalaha Kurdistan.


Canan Kaftancioglu waa hogaamiyaha xisbiga CHP ee Istanbul, waxay door muhiim ah ka qaadatay guushii Ikram Imamolu oo loo doortay duqa Istanbul.


Guushaas, waxay meesha ka saartay maamulkii xisbiga haya talada AKP oo 25 sano ka talinayay Istanbul, Imamoluna wuxuu noqday duqa cusub.


Doorashadan duqa Istanbul ayaa loo arkayay nooc afti ah oo ka dhan ah maamulka madaxweyne Erdogan.

Erdogan oo tan iyo 2003-dii soo ahaa Ra'iisul wasaaraha ama madaxweynaha Turkiga, ayaa qudhiisa sheegay in 'qofkii ku guulaysta Istanbul uu ku guuleystay doorashada Turkiga'.


Recep Tayyip Erdogan wuxuu noqday hogaamiyihii ugu awoodda badnaa dalka marka laga reebo Mustafa Kemal Ataturk, oo ahaa ninkii aasaasay jamhuuriyadda casriga ah ee Turkiga.

 

BBC

 

Loading...
Loading...