Muxuu Yahay Xanuunka Cusub Ee Walaaca Ku Abuuray Dunida?

0
Monday May 23, 2022 - 08:14:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Xanuunka Cusub Ee Walaaca Ku Abuuray Dunida?

    "Cudurka si aad ah ayaa looga walaacsan yahay gaar ahaan qaabka uu fidayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cudurka si aad ah ayaa looga walaacsan yahay gaar ahaan qaabka uu fidayo"

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xanuunka furuqa daanyeerka ee si aan horay loo arag uga dillaacay tobanaan waddan.



Biden wuxuu sheegay in arrinta sida weyn looga walaacsan qaabka uu u fidayo cudurka isla markaana ku tilmaamay 'Walaaca ugu weyn' ee haatan dunida ka taagan.


"Cudurka si aad ah ayaa looga walaacsan yahay gaar ahaan qaabka uu fidayo iyo cawaab xumida ka dhalan karta" ayuu yiri Biden.


Ka hor inta aanu u duulin dalka Japan, ayaa Biden waxa uu sheegay in dalkiisa uu ku dadaalayo sidii dawo loogu heli lahaa cudurka.


"Waxaan hadda ka shaqeyneynaa sidii aan dawo ugu heli lahayn si aan u horumarinno tallaalka looga hortaggayo cudurkan, waa haddii loo helo daawo ama tallaal."


Hay'adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in weli baarayso sababta furuqa daanyeerka oo sida caadiga ah ku dhaca xayawaanka uu hadda aadanaha ugu faafayo.


Cudurkan ayaa looga hadli doonaa kulan caafimaadka adduunka ay dalalka leeyihiin, kaasoo lagu go'aamiyo siyaasadaha lagula tacaalayo xannuunada ka dillaaca caalamka.


Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox ama furuqa daanyeerka waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal.


Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 50 kiis oo kale oo looga shakisan yahay furuqa daanyeerka la baarayo - iyadoo aan magacaabin dalalka lagu arkay cudurka.


Kiisaskan cudurkan ayaa laga diiwaangeliyay ilaa 14 dal, WHO waxay ka digtay in kiisas kale oo ku saabsan cudurka.


Maxaa keena feyraskan?

Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xooggaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.


Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.


Waxaa jira labo nooc oo fayraskan ah oo laga soo sheegay - Galbeedka Afrika iyo Afrikada Dhexe.

Labo ka mid ah bukaannada cudurka qaba ee lagu arkay UK ayaa ka soo safray Nigeria, sidaa darteed waxay u badan tahay inay la ildaran yihiin nooca fayraska nooca Galbeedka Afrika, kaasoo ah mid fudud, inkasta oo weli la xaqiijin.


Kiiskii saddexaad wuxuu ahaa shaqaale caafimaad oo la sheegay in fayraska uu ka qaaday mid ka mid ah bukaannada.


Sidee loo daweeyaa?

Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido.

Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska furuqa daanyeerka, mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas.

 

BBC

Loading...
Loading...