Sirdoonka Qarsoon Ee Reer Cabdi Dameere Oo Kolba Qof Ka Dafaya Suuqyadda Caasimadda Hargaysa

0
Sunday May 22, 2022 - 13:16:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Qarsoon Ee Reer Cabdi Dameere Oo Kolba Qof Ka Dafaya Suuqyadda Caasimadda Hargaysa

    W/Q: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdi Muhumed

Baryahan danbe waxaa ina soo gaadhaya qaylo dhaan odhanysa inan yar oo uu dhalay Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) ayaa habeenba qof dafaya oo guryo qarsoodi ah ku xidhanaya marna waxaad maqlaysaa suxufiiyiinn ayay garaaceen, sirdoonkan guracan ee uu horbooday yarkan Axmed Muuse Biixi oo aan siiyay naanaysta ah (Jante Bi Jante), kaasi oo filim ay iska soo duubeen yarkaa jant bi jante oo hurin ah sirdoonka nasaqani uu meel ku riigaystay isagoo isticmaalay erayga ah (jante bi jante) oo ah kelmad taliyaani ah oo u dhiganta boqolkiiba boqol taasi oo ah eray uu ka xafiday aabbihii Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan), waana eray uu ka soo xanbaartay aaabbihii yarkan Jante Bi Jante bootiko oo hore loo odhan jiray xerradda ciiddan ee xeebta badwaynta hindiya ee magaaladda muqdisho dacalka ku haysa, taasi oo aabihii ku soo qaatay tababarkii ugu horreeyay ka dib markii uu iskuulka ka baxay taasi oo ay mari jireen ardaydda waxbarashadda dhamaysatay iyo shaqaalaha dawladdu.

 

 

Waxa kaliya ee uu aaminsanaa inuu ku faani karo Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) ayaa ahaa oobjacddii uu ku xareeyay ardaydda ka soo baxda jaamacaddaha iyo iskuuladda sare ee dalka, inay tababar malatari ku soo qaataan xerrada Cabdillaahi Askar ee Darar Wayne tababar dhowr bilood soconaya oo lagu soo tababari dooni qaybaha milatarigga si marka loo baahdana ay dalka daaficiisa ka qayb qaadan doonaan, iyadoo aad moodaysay in la tusay dalka oo cadow ka xoog badani qabsaday, waar Muuse fulaysanayaa ayaan dhowr jeer ku celceliyay xilliggii la bilaabay oobjacddaa taasi oo aan inagu cusbayn oo hore isaga laftiisa waa Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) loo galiyay bootiko oo xukuumaddii Siyaad Barre, ku soo ciyaarsiisay kolkii danbena loo bixiyay Xalane, intaa ka dib aynu aragnay Qirinqiir,Shaqo Qaran,Ceel Jaalle, Gurmad iyo kuwo la macno ah oo xukuumaddii Siyaad Barre soo saartay, iyadoo dadka iyo ardaydda faraha badan ee aanay shaqo iyo jaamacaddo toona u hayn ku mashquulin jirtay taaso oo uu Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) kaga dayday uuna inooga dhigay fikir isaga ka soo maaxday oo uu hor iyo horraanba lahaa

 

Hadaba arintaa aan kor ku soo xusay waa dhalanteed oo ah mid loogu sheekeeyo inta aan da' ahaan soo gaadhin xukuumaddihii hore sida tii Siyaad Barre iyo kuwii ka sii horeeyay si kastba ha’ahaatee; waxaa hadda ii soo cadaadday inuu xeel kale ka watay ilayn wax shaqo abuur ah oo ay soo kordhisay ma jirtee waa tan noqotay nin walawba gurigiina ayaa ku yaqaan marka oobjacddu kuu dhamato, oo kuwii soo dhamaystay oo dhowr dufcadood ahaa, waxa ay shaqo la'aan la yuururaan guryahooddii oo ay bariiskii awalba waalidkood siin jiray gacanta la galiyaan waa maxay xeeshaa aan kor ku soo sheegay ee uu ka lahaa oobjacdda iskuulka Cabdillaahi Askar ee Dararwayne?, taas oo ah su'aal ay tahay inaan uga jawaabo si waadax ah maqaalkana gundhig u noqon doonta oo aan diiradda ku saari doono intiisa badana ku ifin doono si loo fahmo qodobkaas.

 

 

Maxay ahayd danta uu ka lahaa iskuulka tababarka ee Cabdillaahi Askar ee Dararwayne Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan), waxay ahayd inuu ka soo saaro hurrin uu inanakiisa Axmed Muuse Biixi (Jante Bi Jante) madax u yahay oo la mida kuwii uu Mingiste Hayle Maryan ku cabsi galin jiray shacabka Ethiopia, kuwaadsi oo loo yaqaan "red unit terror" ama kuwii Siyaad Barre ee hangash,dhabar jabin, iyo kuwo kaleba kuwaasi oo xataa Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) uu kala baxsaday Janaraal Doolaal badhtamahii siddeetanaadkii, kaasi oo ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan Cali Samatar iyo xukuumaddii Siyaad Barre, kaasi oo Eebbe u bixiyay janaraal Doolaal oo ku sabata bixiyay mudo gaaban, iyadoo ay kala qayb qaadatay marwadda Janaraal Doolaal iyana maanatana aan la ogayn waxa uu ka yeelay abaalkaa iyo dadnimaddaa loo galay ee nafaha loo biibeeyay xilli adag iyadoo lagu jiro oo ay qudhyoo tahay, in qof aad la baxsato xilligaas oo kale oo uu garanayo uun qof joogay.

 

Haddaba markii ay dhowr dufcadood oo intooddii badnayd guryahooddii ku laabteen ka dib shaqo abuur aan loo samayn shaqana loo hayn daraadeed ka soo baxeen iskuulkaa Cabdillaahi Askar ee Dararwayne, ayuunbaynu ku war helay inan yar oo calool kuusan oo xiddig uu garbaha u sudhayo aaabbihii Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) oo la idhi "Axmed baa la yidhaa” oo isagaa dhalay haye dabadeedna mudo ka dibna waxaynu ku war helay, waa laba xiddigle oo waxa uu ka tirsan yahay sirdoonka Somaliland ee siloon haye oo goormuu sirdoonka Somaliland u tababartay la yee waa maxay tababarkan iyo waxa aad ka hadlaysaa? waar waa hurrin uu yarku si gooniya u tababartay kulana dhuuqa sirdoonka Somaliland oo uu kaliggii horjooge u yahay oo ahayd xudduntii iyo halkii aaabbihii uu la rabay ee uu sameeyay waxan uu shaqo qaran ugu yeedhay gundhiggeeddu waxa uu ahaa hurrintan sirdoonka qarsoon ee reer Cabdi Dameere oo ay gaar u leeyihiin qoyska reer Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) iyo guud ahaan reer Cabdi Dameere.

 

Dulucda iyo gabogabada maqaalka waxaan jecelahay inaan ku soo afmeero waxaa loogu talagalay arinkan in dadka  lagu garaaco lagu eryado la soo qabto dadka  guryo qarsoona lagu xidho cid allaale iyo ciddii lagu tuhmo inay Face book wax ku qortay wax kana soo horjeedda xukunka silloon ee Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) ama tv wax kaga sheegta duqa ama website wax ku qorta ku lid ah xukunka silloon ee aabbihii waana hurrin magaca qarsoon ee dadku u yaqaaniin uu yahay "hurruntii sirdoonka leexsan ee reer Cabdi Dameere", oo saw taan moodayay in dalka laga xorreeyay Soomaaliddii Taliyaanigu gumaysan jiray ee aynu bari isku raacnay "israacii afka baarkiisa ahaa" ee Siyaad Barrena ka soo dhex mudhay 1969kii, oo aynu noqonay qaran dimiqoraaddi ah oo iskii u taagan sugayana aqoonsi caalamiya xuquuqal iiinsaankan illaaliya manaa qaldan mise "cadan ayaa laga heesayaa" adigaa qaldan ee la soco xukunka waaban,silloon ee dalkii ka jira iskan ilaali inaad wax ka sheegto Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan), haddii kale inankiisa yar ee uuska buuran ee Axmed Muuse Biixi Cabdi (Jante Bi Jante), ayaa guryahay Masalaha ama kuwo Buurta Kala Jeexan ama kuwa kale ee qarsoon iyo hurrinta uu horboodaha ka yahay ayaa kugu xidhan, oo laad iyo feedh kaala daali adiga oo sirinsirqaysan ayaana adigoo abaal ku qaba lagaaga soo dayn oo aad fudhi ka soo odhan siddii kuwo yar yar oo aanu og nahay waxa ku dhacay, ee afkaaga hayso yaanay ku dafin hurrinta sirdoonka qarsoon ee ee reer Cabdi Dameere ,haye adeer waa waano iyo wax ku qaadasho hadal mudan waanan iska haysanayaa afkayga si aanay ii dafin hurrinta baas waanan ka noqonayaa is moodsiiskii aan is moodsiiyay in land tahay waddan dimiqoraaddi ah oo adduunka oo dhan looga sacab tumo malaha waan riyoonayee.

 



Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...