Digtaatoorku Waa Dulin, Dilaa Weeye Cuduroon, Dabiib Loo Helayno, Daayinnaguma Keenee, Ku Danbeeya Leeleel

0
Sunday May 22, 2022 - 12:37:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digtaatoorku Waa Dulin, Dilaa Weeye Cuduroon, Dabiib Loo Helayno, Daayinnaguma Keenee, Ku Danbeeya Leeleel

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]


      TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.



 

Digtaatoorku waa dulin,Dilaa weeye cuduroon,


Dalku galana dumiyoon,Dadiyo duunyo reebayn,


Damaciisaa hogaansho,Dulmiga wuu ku naaxaa,


Dareenka iyo garashada,Dadka wuu la dirirayo,


Dabiibkiina adag yahay,Marka lala dagaalamana,


Dawo kale ileen ma lahe,Dad wuxu u jecel yahay,


Doqonka iyo ka liiteen,Diida haynin amarkiisaba,


Daa waxana odhan karin,Dabka saar waxgarado,


Dabargo’y aqoonyahan,Dabadii rag baan dhalan,


Ducona kuma tegaayo,Haldoorku ka madhiyaa,


Da’kastaba ka laayaa,Dockastana ka oodaayoo,


Dulmanaan damqanahayno,Dunida mood caynka

,

Dala’sigaanu qaayibaye,Danba miyu ka leeyahay,


Dilkiisa ruuxa sugayaa,Duminta iyo waxbaa nool,


Doqonta milantay geesigay,Dawgalkiisa noqtaaye,


Dawgu maray duqi hore,Dawashiyo dignin modan.


                               Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...