Midiyaha Waxaa Loo Sitaa Maanta Yaad Qadine!

0
Saturday June 01, 2019 - 17:19:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midiyaha Waxaa Loo Sitaa Maanta Yaad Qadine!

    Aduunyooy xaalkaa-be, Maahmaah reer xamar ah baa waxay tidhaahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunyooy xaalkaa-be, Maahmaah reer xamar ah baa waxay tidhaahaa
" Abkay dooli dilay, dad nool maw daahaa" waxa weeye, ninka jiir u dul qaadan waayey, dadna muxuu ka yeeli lahaa, aan hoos u dhaadhaco'e, ayaan-ba-ayaanta ka dambaysa, murugo iyo wax aad diido baad ku soo toosaysaa, oo dal-keenii wuu qasan yahay, sharciggii dabadaa laga tuuray, distoor mooyi goor ugu dambayay ( intaanu xanuunsan Siilaanyo), shicib laga war qabo iyana iska ilaw, xaquuq la dhawrona haba sheegin, ilo-xanaano oo lagu eego dan yarta meesha-ba ma taallo, maamulkii aynu ka sugaynay in uu ka soo baxo wixii loo egmaday, waa kaa sare u kaajay. Waxay shabahaan markii ay dhereg dhaafeen, ee xoolihii ummadan tabaalaysan lagu kala tegay, siddii uu u dhibi-shaxan jirey awrka baar-qubka ahi, oo isna markuu naqa gu'gga daaqo, doobta canka ka lalin jirey, ilayn dibiradda baa labadaba uga dartee, aan ku soo durko halka i manakh lahe iga gudoon. Maamul ku sheegani  waxay la aragti yihiin, sidda uu awr-kaas aan sare ku tilmaamay uu u dheregu ugu kibro qaalimadda yaryar, baa maamul-kanina uu ilaaladda uga meeriyey, shicibkii uu xil-koodda baabi'iyey. lana waa in dariiqa toosan ku hago, sidaas oo ay ahayd wixii loo doorashadda-ba loo dhcay, maxaa ka daba yimi ee saaka xaalku ku sugan yahay? Shalay oo u damvaysay waxa dareeray beelo dhan, waxa lala kala yaacay hubkii, oo dhicibkii bilili-qaystay, baabuurtii la riixday, oo ay ka dgacday "Fashiluu" waayo iyaka ( waa maamulka'e) waxa keliya ee u darani waa siddii ay kursiga u sii haysan lahaayeen,  dalka  lala wareegay, dani kama hayso. wixii dhimanaaya ( dad iyo duunyo), midna loo joojin maayo,  xukuumadan iyo qudhmiyaha is xambaarsan xaalkoodu waa ka fara qabsadda idinku, cirka ha isku shareerto'e , waxase ay tallo u taallaa adiga ( Shicibka weeyaane), oo ay tahay in aad si fiican, oo ka fiirsasho leh aad u falanqayso, in aad sidaa ku sii jiri karto iyo in kale. Bal hadaba aintaas awgeed in yar oo saaka igu dhalatay, ku soo dhawaadda waa tane:-

 

Muusanawga ubadkiyo, macaluusha gaajadda jirtiyo,

Maatadda banaanadda la wadhay, ee milicdda ooyeysa,

Minankaad is taagtaba dad-yahaw, maydku buux dhaafye, 

Dhankii aan miliilico bakhtigu, muush ayuu yahay, 

Ma yeedhaan dhamaadaa iyana, meel kastaba yaale. 

 

Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,

Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacal-kayaw, aan midh reebaynin.

 

Waakaa maamulkii iibiyeen, badi muhiimkiiye, 

Murdisaa idlaysoo ma hadhin, meel lays taagaaye, 

Miciyaha waxaa loo listaa, yaad ku meleg-taaye,

Waa weji macaash odayadaa, duubtay madaxiiye,

Kuwo Madax-dhqameed sheegta, baan maadhna reebayna,

 

Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,

Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

 

Mid wasiir la yidhi baa isana, madhiyey xooliiye,

Maaliyadda kuwii haystay baa, meel kalaw duwaye,

Mugdi bay ku qaybshaan intaa, maalin iyo leyle,

Maxamuud Xaashi baa miidhayoo, mariyey dhuun-tiiye,

Askari jaahil ah baa isana, iibshay marsadiiye,

 

Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,

Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

 

Midiyaha waxaa loo sitaa, maanta yaad qadine,

Hanti dhawr ma jiro qaranka'oo, way muquur-teene,

Musuq-maasaqii oodda jebi, sicirna maan-dhaafye,

Ka maleegte dhalintii kolkii, layska baal maraye,

Badahay  ku daateen, markay meeha-naabeene.

 

Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,

Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

 

Madax-weynahaan aan jirin, baa meel ii wadine,

Qaar milkhsa-naayaa u hadhay, mudan dal-keeniiye,

Askari baa Mahoobiyey xilkii, magan illaahaye,

Miyarkaba ma qabo ruuxa ay, meesha keeneene,

Kaadhadhkii masaakiinta buu, baayacaan abide.

 

Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,

Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

 

Dus-dus aan meel tegayn,  iyo male awaal-kiisa,

 Buu Saylac uu moodayiyo, Saaxil minan-keede,

Musqulaha duqsiga jooga, buu miciin sadaye,

Waa macangag aan talo lahayn, oon joogin miyir-kiiye,

Allaw yaa u maan celiya ruuxan, maafish weeyane.

 

Ma naxaanadaas baa arladda, maalay keligoode,

Ma kuwaas baan dhawrsanaa gacalkayaw, aan midh reebaynin.

 

akhristaw, waa duni aakhiro sabaan ah, nin la odhan jirey laf-cambe (AHN), baa wuxu beri hore tiriyey, tix uu wakhtigaa kaga hadlaayey, wax yaabo fara badan oo ka yaabiyey, waxa ka mid ahaa:-

Waa duni la kala iibsaday, oo nala ogaysiine,

Waa duni ninkii aad  ahaa, aakhiraw kacaye,

Waa duni wadaadkii adimay, loo dagaal tegaye ( bal salaaddda hore, buu mu'adinkaasi nagu qaylinayaa, maalin walba, qaar sidaas leh buu maqaly), waa gabay dheer, laakiin intaas baan ka soo qaatay, waxanse uga socddaa, hadda ila qiyaas, isaga oo Illaah ha u naxariisto'e, wakhtigan nool, waa su'aale miyuu is dili lahaa? mise, hadal-kaba wuu dayn lahaa? muxuu fali lahaa baad filaysaan? Ujeedo iyo haatan, nin reer burco ku caan ahaa, inta badana Somaliland dadka badan-kiisu hayo sheekooyin-kiisa, oo la odhan jirey " Hooraaye (AHN)" baa wuxu arkay, maamulkii faqashtii ( oo kun jeer dhaamay kan), marka meelo badan laga eego, askar ciyaal yaryar oo mudaaharaaday eryanaysa, dabeed wuxu yidhi " Sodon sano ( 30 years) bay na shiidayeen, oo aanu intaa u dul qaadanaynay, iyana iyaka oo dawlad isku sheeg ah, bay maalin qudha oo ay kaceen ubadkii yaryari ay sidaa u gelayaan".

 

 Waa yahaye cibaaradda nala tusay, maxay is dhaamaan tan dalkii kicisay iyo taa uu hooraaye ka hadlaayey? Tee baase xun?. Faqashtii waxay ka xishootay bay tani ku faantaa. in ay sidaasi run tahay-na, waa taa dhulkii, bad, beri, cir, buur, banaan, dooxo, jago banaan kuli wadda xaraashtay, xataa digaddii adhiga, saaladdii geelaa, faantaddii lo'dda, waxa hadda laga iibiyaa Shiinaha oo gurta, war ma haysaane dad-yahaw. T a caynkaas ah, ee an dhaafayn xaarka bakaylaha, baa qaar inaga mid ahi, weli sacabka u garaacayaan ( Finaka cawdu-bilaahi). Ummad yahay mar uun fekera, oo dhacsadda dal-kiinii socoye, oo ka hor kaalaya ama sugu inta adiga lagaa faasaxaayo Carab kale, oo siddii cabiiddii laba dible inta laguu xidho, oon sidda xoolaha sayladda lagu keenin, ee aanu Carab siddii wanka adhaxdda ku taaban, dilaaliintu inta ay gacanta hoosta iska geliyaan, odhanin intaas oo hore iyo intaas oo dambe, baa joogaan odaygan, inantan, doobkan hooyadan iyo ilmaheedu, oo aan midba qiimo loo goyn, ma idinla tahay in aan iska gaadhno, far iyo suul ku muquunino, inta aanay xabad inagu tegin siddii faqashtii, akhristaw aday kuu taal, alaalaw eed la'aan, imika laguu dig ee tasho.

* N.B  Jaahil Ka Soo Rayn Ma Laha, Ka Sii Dar Mooyaane!

Qore:- Abdi-Shotaly,Jaahil

 

[email protected]

 

Loading...
Loading...