Golaha Wasiirada Itoobiya Oo Cod U Qaaday Siyaasada Dib U Habaynta Dhaqaalaha Ee Raysal Wasaare Abiy Ahmed
Addis Ababa(HWN):-Golaha wasiirada dawlada Itoobiya ayaa shir ka yeeshay isbadalada dhinaca dhaqaalaha ee ka socda dalkaasi.
Golaha wasiirada xukuumada Itoobiya oo yeeshay shirkoodii 70aad ayaa cod ku ansixiyey siyaasada dib u habaynta dhaqaalaha dalka Itoobiya iyo jihada lagu hagayo mustaqbalka dhaw.
Golaha wasiirada ayaa sheegay in siyaasada dib u habaynta dhaqaalaha dalka Itoobiya ay ka jawaabayso dhaqalaha dalka isla markaana hubinayso horumar joogto ah oo nidaamka dhaqaale ee ay dawladu hagayso u leexinaya mid ay hogaamiyaan shirkadaha gaarka ahi.
Sidoo kale golaha wasiirada dawlada Itoobiya ayaa sheegay in dib u habaynta nidaamka dhaqaale uu yahay mid hubinaya oo ka jawaabaya xaalada dhaqaale, koritaan joogto ah oo dhaqaaluhu gaadho, yaraynta shaqo la,aanta iyo joogtaynta deganaanshaha dhaqaale ee dalka.
Golaha wasiirada Itoobiya ayaa markii ay ansixiyeen siyaasadan dib u habaynta dhaqaalaha waxay sheegeen in si rasmi ah loo dhaqan gelinayo.