Habaryar Iska Waran Adiga Iyo Aabe Kafkankiinu Waa Meeshiisa Ee Umadda Hogaamin Fiican Bey Idinka Sugeysa

0
Friday May 20, 2022 - 18:34:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1925
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Habaryar Iska Waran Adiga Iyo Aabe Kafkankiinu Waa Meeshiisa Ee Umadda Hogaamin Fiican Bey Idinka Sugeysa

    Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Boqorad_Reer_Gulleeda Cida galaha rag iyo dumar wey taliyaan



Fadumo Feysal Cali Waraabe Gobonimo iyo garashey Muujisey. Biseylka Siyaasadda iyo fahamka dimuqradiyadda. Wiilkey habaryarta u tahey oo Madaxweynaha dalkeeda iney soo salaanto waan ku hambalyeynaa.


Isaga iyo abaheedna tartarka kursiga ka dhaxeeya colaadd iyo cadaawaddi kama dhageyso. Midna ku darso feysal iyo Muuse waa isku da'a. Markaa waxii talo ah ee qarankeenu ku jiheyn karo dhalinyaradena haddey siiso. Madaxweynaha waa Munaasib.


Dhinac kale hadaad iska taagtona waa sawir muujinayaa in shacabka reer Somaliland is jecel yahey oo fahamsan yahey siyaasadda in aan lagu kala tagin. Marba ninka joogna la dhaliili karo.


Waxaan filayaa Madaxweynaha laftiisa waxey u tahey tusaale nool uu ku ilaabi karo hadaladii iyo dhaliishi feysal ku ganey maalintii dhoweyd. Qaranku haka faa'iideysto maskaxdda dhalinyaradda ee qurbaha joogta hana la soo dhoweeyo.


Kaftanku waxu ku soo dhamaadey, Habaryar kursiga aabe ku wareeji. In kugu filan waad ku fadhidee.

Sawirkani Xigmadd weyn Buu xanbarasan yahey


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...