Soomaaliya & Hay'adda IMF oo gaaray heshiis la xiriira deyn cafinta

0
Friday May 20, 2022 - 13:03:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya & Hay'adda IMF oo gaaray heshiis la xiriira deyn cafinta

    War kasoo baxay Hay'adda IMF ayaa lagu sheegay in ay heshiisay gaartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Hay'adda IMF ayaa lagu sheegay in ay heshiisay gaartay



Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis la gashay hay’adda lacagta adduunka ee IMF, kaasi oo ku saabsan dib u eegista labaad iyo saddexaad ee barnaamijka dhaqaalaha Soomaaliya.


Heshiiska oo la xiriira heerka shaqaalaha ayaa wuxuu ku xiran yahay inuu ansixiyo guddiga fulinta ee Hay’adda IMF, balse uu kordhin doono taageerada miisaaniyada ilaa 17 Bisha soo socota ee Ogosto 2022.



 

War kasoo baxay Hay’adda IMF ayaa lagu sheegay in ay heshiisay gaartay ka dib markii ay wadahadal dhanka farsamada ah la yeelatay maamdowlad Goboleedyada kajira Soomaaliya.


Dr. C/raxmaan Beileh Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu muujinayo in dib u habeyn lagu sameynayo dhaqaalaha Soomaaliya.


” Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad ee Barnaamijka dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka ayuu yiri” Wasiir Beyle.


Horaantii bishii May, dowladda Soomaaliya ayaa la xiriirtay IMF, iyadoo si rasmi ah u codsatay in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo si ay dib u eegis ugu sameyso barnaamijka dhaqaalaha, oo IMF ay markii hore u qoondeysay bartamaha May.


Muddo kordhinta la ansixiyay ayaa IMF siin doonta waqti ku filan oo ay kala tashato dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana IMF waxa ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto Dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka.

Loading...
Loading...