Madaxweyne Farmaajo Iyo Khayre Oo Dhaqaale U Raadinaya Qorshayaal Halis Ah Oo Ay La Maagan Yihiin Galmudug Iyo Jubboland
Muqdisho(HWN):-Gudoomiyaha ururka waddajir ee soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay qorshayaal ay dawlada federaalka ahi la maagan tahay maamulada Galmudug iyo Jubboland.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu kaga hadlay ujeedada uu daaran yahay safarka uu raysal wasaare Khayre ugu baxay wadanka Qadar iyo kulamo uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay amiirka wadankaasi.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yidhi:-
Madaxweynaha Sacuudiga ayuu kulan kula qaatay Ra'iisul Wasaaraha Qatar, saakayna Ra'iisul Wasaaraha iyo Taliye xiggeenkii Nabadsugidda ayuu dalka Qatar u diray. Maalmahan waxaa Addis Ababa isaga daba noqonayey Taliye xiggeenka Nabadsugidda. Waxaan kaloo maqashiisanahay in Madaxweynuhu uu Addis Ababa tegayo. Wax kala maaha dagaal Galmudug iyo Jubaland ka dhan ah ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale loo raadsaday.
Nabad iyo Nolol waxay masiirkooda siyaasadeed ku lareen guusha iyo guuldarrida ay ka soo hooyaan labadaa Dowlad Gobol. Waxaan haddaba ugu baaqaynaa inta samaha Soomaaliyeed jecel in ay shirqoolkaas ka hortagaan oo ay garabsiiyaan labada Dowlad Gobol